CED-Som
|

Ciyaartoyda Soomaaliya u madaleysa Olombikada oo London timid

Waxaa saakay magaalada Londan ka degay Ciyaartoyda dalka Soomaaliya uga qeybgalaysa cayaaraha olombikada adduunka ee 27-ka bishan London ka furmaya, kuwaasoo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax.

Xubno ka socda bahda Sportiga ayaa garooonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay, kuwaasoo ku faraxsanaa in ay arkaan koox Soomaaliyeed oo tartanka Olombikada adduunka u madali doona dalka Soomaaliya.

Maxamed Xasan Faarax wuxuu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Samsam Maxamed ay iyana ordi doonto 800m iyo 1500m, waxayna labadooda ay rajeynayaan guul wanaagsan iney ka keenaan tartankaas.

Inkastoo cayaartooyda Soomaaliyeed ee olombigga aanay soo gelin is reeb reeb haddana sida uu qabo sharciga olombikada adduunka waxaa loo oggol yahay in ay laba cayaartooy soo dirsan karaan.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 18 2012. Filed under Arrimaha Bulashada, Cayaaraha, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Comments for “Ciyaartoyda Soomaaliya u madaleysa Olombikada oo London timid”

  1. Waa jaanis sxbayaal iska gooya kollayba guul ma keenaysaan laakiin fursad baad haysataan aad UK iska dhiibi kartaan, Boorsooyinka hoteelka uga taga tareenna ka raaco oo tuulo kale iska dhiba waa jaanis waa hubaa in aad ka faaiidaysan doontaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, guushiinna waa in aad isdhiibtaan guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul.

  2. Qaran Doon, brother caadi ma tihid..lol. Markii aan runta ka hadalno, qurbaha waxba kuma heyno iyagaana naga nolol wanaagsan oo wadankooda matalaya. Adigana insha Allah, wadanka waad ku laaban doontaa. Kadaa Qaxootinimada way ku xanuunsan, sidii kuwii ka horeeyey.

    Long Live Somalia

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...