CED-Som
|

Ciyaar dhaqameedka Shirta oo lagu qabtay Xamar-weyne “Sawiro”

Degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta lagu qabtay ciyaar dhaqameedka la yiraahdo shirta oo sanad walba xiligan oo kale laga dhigi jiray deegaan xeebeedyada ku yaala gobolada Banaadir iyo labada Shabelle.

Dad boqolaal gaaraya oo isugu jira rag wata ulo dhaadheer iyo dharka hidaha iyo dhaqanka iyo waliba haween iyo caruur ayaa galabta isugu soo baxay wadooyinka ciriiriga ah ee degmada X/weyne halkaasoo ay ku soo bandhigeen ciyaarta loo yaqaano shirta, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo kala duwan oo ay ka mid yihiin (Dheeshan dhaxal waaye dhaafi maayee…ninka caado ceeb ka yeelay cimrigiisaas ku cayaaray) iyo kuwo kale oo aad u fara badan.

Dadka isu baxay galabta oo aad uga yaraa kuwii soo bixi jiray xiliyada sida rasmiga ah ciyaartan loo qaban jiray sanad walba ayaa qaar ka mid ah waxgaradka reer banaadirigu waxay sheegeen intii sanado ah ay joojiyeen ciyaarahan caado dhaqameedka ah sababo la xiriira xaaladaha adag ee dalku uu ku sugan yahay.

“Dhalinyaradan galabta iskugu soo baxay X/weyne waa kuwo iska xusuusanaya ciyaartaas oo la qaban jiray sanad walba xiligan oo kale ciyaarta shirtana lama abaabulin sanadkan iyo sanadihii ka horeeyey sidana aad ayey uga balaaran tahay welina kama qaadanin go’aan in dib loo bilaabo xaalada jirta awgeed” sidaa waxaa yiri Malaaq Mahdi.

Ciyaaraha loo yaqaano shirta, badgalka, iyo Istunka ayaa lagu qaban jiray sanad walba magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye xiligan oo kale marka uu bilowdo sanadka loo yaqaano dabshidka waxaana ciyaarahan ay soo jireen muddo ka badan 800 oo sanadood, sida ay sheegeen waxgaradka reer banaadiriga lamana qabanin shantii sanadood ee la soo dhaafay ka dib markii ay saameyn ku yeesheen xaalada ka jirta koonfurta Somalia.

Ciyaartan oo ah mid dhaqan ahaan sanad walbo laga dhigi jiray deegaanada Xamar iyo Xamar daye ayaa hakad galay markii ay bilowdeen Ururada magaca Islaamiga ku wata, oo gebi ahaanba joojiyay ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, walow iminka ay dib u soo noolaanayaan.

W/D. Dr.Ali Omar Abati Binfaghi
email  dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 18 2012. Filed under Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

1 Comment for “Ciyaar dhaqameedka Shirta oo lagu qabtay Xamar-weyne “Sawiro””

  1. warkaasaa igu socdo viva xamarcadeey xudunteeydaa kuduganeeeeeeeeeeeeee

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...