Faemaajo oo weerar afka ku qaaday R/Wasaare Cabdiweli Gaas “Filim”
Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in xukuumaddiisii aysan wax hanti Qaran ah masuq maasuqin, isla markaana ay la dagaalameysay masuqmaasuqa, isla markaana kuu ku sheegay xukuumaddii ugu tayada wanaagsan ee soo mara dalka burburkii kadib.
“Waa waxba kama jiraan xukuumad musuq maasuqa ayay la dagaashay, daacadnimo ayay muujisay, warbixinta Qaramada Midoobay aniga ima eedeyn, ima soo wacan dadka dabagalka ee warbixintaasi quseyso arrinta aad ka dhawaajisay kuli waa wada waceen taas waxay muujineysao qof banaanka ka ah wixii musuq maasuq inaan ahay” ayuu yiri Farmaajo oo u waramay Warbaahinta.
Farmaajo ayaa ka jawaabay hadal Ra’iisul Wasaare Gaas siiyay Kooxda Monitorin Group, kaasoo ahaa in Xukuumadii Farmaajo ay Imaaraadka Carabta ugu deeqday lacag gaareysa 10-milyan, 5-milyan oo ka mid ahna la siiyay Xukuumadiisa, hase ahaatee $3.5 aanay soo gaarin xukuumada hada jirto, oo ay lunsatay Xukuumadii Farmaajo.
“Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka tirsanaa Xukuumadeyda, wuxuu ahaa nin aan saaxibo aheyn oo aan aniga magacaabay, wixii ceeb iyo wanaag qeyb ayuu ku lahaa, wax isaga ka baxsan ma jiri doonto”ayuu yiri Farmaajo oo carabka ku dhuftay in uu u sabab ahaa in maanta Ra’iisul Wasaaraha dlka ahaado Cabdiweli Gaas.
“Walahi runta marka ku sheego nin aan saaxibo aheyn ayuu ahaa Ra’isul Wasaaraha anaa ka mas’uul ahaa inuu meesha yimaado, marka waa arrin doorasho ah, waxaanse is lahaa markii aan ka tagayay shaqada inuu ahaa nin howsha sii dhameystiro karo” ayuu sii raciyay farmaajo oo hadalka Gaas ku macneeyay arrimo siyaasadeed maadaama uu musharax yahay.
Halkan ka daawo Jawaabta Farmaajo uu ka bixiyay eedeynta
Email: warfaafiye@gmail.com
