CED-Som
|

Al-Shabaab oo mar kale Labo nin ku gowraceen Ceel-Buur

Kooxda Al-Shabaab ee ka talisa degmada Ceel-Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in shalay galab halkaasi ay ku gowraceen laba nin oo rayid ah kana mid ahaa dadka deegaanka.

Raga la gowracay ayaa lagu kala magacaabi jiray Faarax Maxamed Weheliye iyo Cabdulle Maxamed, iyadoo mid ka mid ah ragaadi la tilmaamay in deegaanka Wabxo uu ku lahaa Geerish lagu sameeyo gawaarida, waxaana Al-shabaab ninkaasi ay ku eedeeyeen inuu gawaarida u dayactiri jiray ama u sameyn jiray Ururka Ahlusuna Wal-jamaaca ee halkaasi maamuli jiray.

Ninka kale ayaa isna la sheegay inuu la deganaa guri hase yeeshee kooxda Al-shabaab ayaa labada nin ku hor gowracay dadweynaha ku nool degmada Ceel-Buur kadib markii la isugu yeeray loona sheegay in la ciqaabi doono dad Muslim ah oo ay iyagu ugu yeereen Cadowga Alle.

Dadka deegaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hortooda lagu qalo dad muslim ah oo hadana ka mid ah dadka deegaanka isla markaana aan waxba galabsan.

Gowracan shalay galab kooxda Al-shabaab ay ka geysteen degmada Ceel-Buur ayaa noqonaya kii saddexaad tan iyo markii halkaasi ay isaga baxeen Xoogaga Ahlusuna iyo kuwa Itoobiya.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 16 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Comments for “Al-Shabaab oo mar kale Labo nin ku gowraceen Ceel-Buur”

  1. Insha Allaah qofkaan ka hor dhiman mar baa madaxda AL-Shabaab la marsiin doonaa dambiyaday dhitaysteen (galeen).Waan arki jirey ama maqli jirey qof la dilay waase wax nagu cusub is qarxis iyo birayn dad madaxyada laga jaro.AL-Shabaab, sharwadayaal wax badan oo xun-xun baa laga bartay.Kooxda dad qalatada ah ee Shabaab waa wax Allaah (swt) uu ku imtixaamay soomaali kadib markay dhex dabaasheen dambi oo dhanba.

  2. Insha Allaah qofkaan ka hor dhiman mar baa madaxda AL-Shabaab la marsiin doonaa dambiyaday dhitaysteen (galeen).Waan arki jirey ama maqli jirey qof la dilay waase wax nagu cusub is qarxis iyo birayn dad madaxyada laga jaro.AL-Shabaab, sharwadayaal wax badan oo xun-xun baa laga bartay.Kooxda dad qalatada ah ee Shabaab waa wax Allaah (swt) uu ku imtixaamay soomaali kadib markay dhex dabaasheen dambi oo dhanba.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...