Qormo: Ramadaanka iyo Makhaayadaha

Umadda Islaamka waxay isu diyaarineysaa soo dhoweynta iyo marti gelinta bisha Barakeysan ee Ramadaan sanadkan 1433 Hijriga, bilashadeedana ku aaddan tahay 20-ka bisha 7-2012 si ay u gutaan waajibka soonka oo ah tiirka Afaraad ee Shanta Tiir oo Diinta Islaamka ku dhisan tahay.

Sideedaba, dadkoo idil wax ma marti geliyaan, waxay u suurtoowdaa cidii awoodeeda leh, taasina waxaan ugu gol leeyahay iney jiraan dad kala duwan oo aan qiyaas laheyn, hadana aan soomaneyn, bacdamaa aysan buuxin karin mid ka mid ah Afarta shardi oo waajinaayo Soomka.

Waxaana ka mid ah dadka hoos ku qoran:

Dadka aan Muslimka aheyn oo Muslimiinta la degan

Caruurta yaryar oo weli aan qaangaarin

Kuwa garaadkooda dhiman yahay ama waalan

Kuwa soonka aan awoodin jiro darteed, waana kuwa ugu fara badan, bacdamaa aan ogsoonahay in 30 Malyan oo dad xanuunka Aids-ka la ildaran ay ku nool yihiin Afrikada Saxaraha ka hooseyso, hadii aan cudurada kale iska ilowno.

Haweenka caadada qaba iyo kuwa nifaaska qabo

Musaafiriinta safarka dheer oo banaan ku jiro

Duqowda cutushka ah oo soonka dhib ku yahay

Haweenka Uurka leh iyo Naasnuujiyeyaalka

Hadaba dadka faraha badan oo aan soomaneyn ee kor kusoo xusay miyeysan xaq u laheyn iney helaan meel ay wax ka cunaan?, cidii wax u karisana ma danbi ayey gashay?.

Inta aanaan ka jawaabin Labada su`aalood ee kor ku xusan iyo kuwa kale oo mowluucaan la xiriira, aan dib u jaleecno siday dowladahii cilmaaniga ee dalkeenna u wajihi jireen dulucda aan ka hadlaynno.

Marka ay bilato bisha Ramadaan,dowladdii kacaanka waxay soo saari jirtay amar ay albaabada ugu xirayso makhaayadaha gaarka loo leeyahay ayadoo ay furan yihiin kuwa dowladda sida Hotel Curuuba oo loogu marmarsoonaayo in ajaanib ka cunteeynayso. Hase yeeshee kuwa wax ka cunaayo ay ahaayeen xubnahii dowladda iyo qaybo ka mid bulshadeenna, ajnabigana uu fara ku tiris ahaa.

Waa wax lala yaabo in dowlad quraankii baddashay isla markaana warshad Khamri jowhar ka dhistay ay makhaayadaha ka xirto dadka muruqmaalka ah ayadoo kuweedii u furan yihiin.

Dhanka kale dowladahii rayidka ahaa waxay makhaayadaha kula dhaqmi jireen debecsanaan. Ciddii doontaa waa iska xiri jirtay oo nasan jirtay, ciddii kalena albaabka loo soo celin jiray, qofkii aan soonnaynna wuu iska riixi jiray si uu uga soo qadeeyo.

Hadda waxaa culumada diinta waxaa la weyddiiyay “Maxaa daliil oo loo cuskan karaa in Makhaayadaha bisha soon la xiro”? Waa waayeen hal Aayad ama xadiis, xujadoodii waxay kusoo koobeen waxay wax u dhimee xurmada bisha soon.

Sidaa darteed waxaa iska cad culumada nuucaan ahi inay yihiin kitaab gaabyo,iskana indhatireen aayadda 275 Albaqara oo leh: “Eebbe ganacsiga waa oggolaaday, dulsaarkana waa reebay.” Ciddi xarrimayso ganacsiga makhaayadaha oo asal ahaan xalaal ahaa daliil cad ha u keenaan. Waayo nas la,aan ma xarrimi karto wax ilaah xalaaleeyay asal ahaan, adigoo welibadadka ka horistaagaayo inay risiqii Eeebe u qoray raadsadaan kuwii soonka uusan ku waajibin in loo adeego u diidaayo.

Dulucda maqaalkaan oo ah mid dihin oo aan la siinin mudnaantii ay lahayd, kuma soo koobi karo qoraalkaan gaaban,waa mid u baahan in si aad ah loogu fiirsado layskana dhiciyo kuwa doonaayo in ay dadka raýigooda diin uga dhigaan.

Ganacsiga waa bannaan yahay,suuqa waxaa lala fadhaa moos rooti, caano, timir, sambuusi oo qofkii aan soomanaynin uu cuni karo, qof horistaagtana ma jirto. Ma bariid iyo baastadaa sifo
gaar ahaaneed loo xarrimay. Maya Fura albaabada makhaayada, dhaxdana uga qora: “Wa axallahul beeca wa xarrama ribaa”

Haweeneey mukulaal ay xirteey ku naar gashay markaa qofkii doonaayo 3o maalmood inuu qof miskiin ah dhuun qabtoow ka fiirso waxaad falayso. Maahmaah ingiriis ahi waxay leedahay: “The way to hell is paved with good intentions.”Waddada naarta loo maro waxaa lagu dhisaa niyooyin wanaagsan. Haddaba adoo isleh waxaad wanaajinee wax ha ku dheelin.

Ahmed Mohamed Ahmed

Comments are closed.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.