Al Shabaab oo howlgalo dilal ah ka fulisay dalka Koonfur Afrika
Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqay in baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen in muddooyinkii dambe in Al Shabaab Magaalada Cape Town iyo magaalooyinka u dhow dhow ay ku dileen dad kasoo jeeda qowmiyadaha dalka Ethiopia.
Booliska wuxuu sheegay 14-Muwaadin oo u dhalatay dalka Ethiopia ay rag ka tirsan Al Shabaab ku toogteen gudaha Magaalada Cape Towan, arintaasoo weli Booliska daba socdo oo baaritaano xooggan ay wadaan si loo helo kooxahaasi.
“ Magaalada Cape Town iyo Magaalooyinka u dhow waxaa lagu dilay 14-ruux oo u dhalatay dalka Ethiopia, baaritaan dheer oo aan sameynay kaddib waxaa la ogaanay in Al Shabaab ay ka danbeyso” ayaa lagu yiri War Koonfur Afrika.
Arrintaani ayaa saameyn ballaaran ku yeelan doonto Soomaalida ka ganacsata dalka Koonfur Afrika oo horay dhibaato isugu jirta dil iyo dhac kala kulmayay muwaadiniinta dalkaasi oo xalaaleystay boobka Soomaalida, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabaneyso dhibaatooyinkaasi.
Email: warfaafiye@gmail.com

Ethiopianku dawlad ayey leeyihiin, soomaalidu dawlad ma lahaa taas ayaa keentay inay xalaaleystaan
dhiiga soomaalida, waxaana laga yaaba inay ka dambeeyaan xabashidu dilka soomaalida.