Wiil 10 sano jir ah oo lagu gowracay Koonfurta Gaalkacyo
Xaafad ka mid ah Koofurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Galmudug ayaa lagu arkay wiil yar oo da’diisa lagu qiyaasay 10 sano jir isla markaana labada gacmood iyo labada lugood ka xiran qoortana laga jaray.
Wiilkaasi yar oo la soo dhigay xalay inta u dhaxeysa xafiis hay’ada WFP ee Koonfurta Gaalkacyo iyo Isbitaalka weyn, halkaasoo ay dadweyne fara badan isugu soo baxeen, dadkii booqdayna ku abuurtay amagaag iyo wel wel.
Ehellada Wiilka la gooracay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu xun yihiin isla markaana Wiilkoodu uu ugu war dambeeyay habeen ka hor xilli uu alaab ka doontay magaalada, hase ahaatee lagu soo wargaliyay xalay in la gowracay meeydkiisana uu yaal meel cidlo ah.
lama oga kooxaha falkani naxariista daran geystay hase ahaatee waxay arintan cabsi iyo argagax ku beereysa dadka ku nool magaalada Gaalkacyo oo horay ugu cabanayey amaan daro baahsan oo halkaasi ka jirto.
Email: warfaafiye@gmail.com

Soomaalidu qaarkeed ayadoo intaan dhaanteey saqiirada gowri jirtay, waana wixii uu ka digaayay abwaan
kii yiri: “Safar Alle ninkii siray iyo nin saqiirro gowracay sidi aay lahaayeen wax baa lala sugaayaa. Hddii aan iska qaban kuwa xunxun oo nagu dhax jiro, waxaa nagu dhacaayo waxaanoo kale.
Qoyska musiibadaan ku dhacday baddalkii wiilkooda oo khayr badan Allaha siiyo.
Dadka saas yeelaa waxay noqdeen Bahalo.Waxaana ila habboon haddii la aqoonsado in la soo qabto oo say yeeleen loogalo ayagana.Dad caadi ah ma aha ee waa waarbe dad u eg.