Diyaarado duqeeyay saldhig Shabaab ku lahaayeen Garbahaarey
Labo Diyaaradoood ayaa maanta duqeeyay deegaanka Birta-dheer oo qiyaastoo 18-KM u jira degmada Garbahaarey, halkaasoo saldhig ciidan ay ku lahaayeen Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay duqeyntan ayaa waxay sheegeen in arintani ay ka dambeysay iskaashi dhex maray Dowladdaha Kenya iyo Somalia, isla markaana lagu bartilmaameedsaday goobo fariisimo u ah Al-Shabaab.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in saldhiga ciidan ee la duqeeyay in uu ahaa xarun ay Al-Shabaab ka soo duulaan tagto xiliyada ay weerarada ka geysaneyso gobolkaasi iyo deegaanada ku dhow.
Si rasmi ah looma oga khasaaraha ay geysteen duqeymahaasi, mana jirto war kasoo baxay Dowladda Kenya oo ku aadan duqeyntaasi ay fuliyeen maanta.
Email: warfaafiye@gmail.com
