CED-Som
|

Beesha Shanaad oo go’aano muhiim ah soo saartay “Sawiro”

Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Siyaasiyiita iyo waxgaradka Beesha Shanaad ayaa looga hadlay xaalada isbadal ee siyaasadda dalka iyo doorka ay ku lahaan karto Beesha Shanaad, waxayna kasoo saareen Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan inaan la duudsiin xaqa ay ku yeelanayaan Baarlamaanka lasoo xuli doono dhawaan.

Qodobada ay kasoo saareen Kulankooda ayaa wuxuu u qornaa sidan:.

.Annagoo tixgelinaynna xaaladda Somalia ay maanta marayso iyo baahida loo qabo inay dhalato Dawlad rasmi ah oo ummadda Somaliyeed ka gudbisa marxaladdan adag oo hadda lagu jiro ayaaan go’aansannay:

·Inaan laga hor iman soo jeedinta Dasturka, loona gudbiyo Ergooyinka si ay u ansixiyaan

·Inaan soo gudbinno xubno tayo aqooneed iyo waaya aragnimo leh oo ka mid noqda Baarlamaanka marxaladdan cusub la kowsanaya.

.Sida qof walba oo Somali ahi agyahay, Umadda loo yaqaan BEESHA SHANAAD kama tira yara Beelaha kale ee Somaliyeed. Hase ahaatee waxay degganyihiin degaamada Somalia oo dhan, mana jiro gobol ay iyagu aqlabiyadda yihiin. Waxaa nalagu magacaabaa inaan nahay Beesha Shanaad, haddana markii wax qaybsi yimaado waxaa naloo raacaa nidaamka 4.5. Taasi waa xaqdarro bareer ah oo loo geysanayo Beel ka mid ah beelaha Somaliyeed. Sidaas darteed waxaa Beeshu soo jeedinaysaa:

·In si aan loogu xad gudbin xuquuqdayada, Beesha Shanaad loo qoondeeyo qaab ay ku hesho xuquuqdeeda laguna caddeeyo Dastuurka hadda la qorayo. Haddii aan sidaas la yeelinna, Siyaasad Beesha Shanaad ka qayb qaadato waxaa ugu dambaynaysa muddada uu shaqaynayo Dastuurka Kumeel gaarka ah. Taasina waxay meel ka dhac ku tahay xuquuqdayada baniaadamnimo.

 3.Umadda loo yaqaan Beesha Shanaad waxay soo martay taariikh dheer oo caddaalad darro, duudsi iyo dhibaatooyin kale oo badan leh. Taasina waxay dhaxal siisay inayna helin xuquuqdooda dhinac kasta, gaar ahaan waxbarashada iyo shaqooyinka Dawladda. Sidaas darteed waxaan soo jeedinaynna:

 ·In Beesha Shanaad loo sameeyo barnaamij cawil celin ah si wax looga saxo caddaalad darradii muddada dheer lagu samaynayey gaar ahaan tan iyo intii aan xorriyadda aan qaadannay il gaar ahna lagu eego dhinacyada waxbarashada iyo shaqooyinka Dawladda.

Ugu dambayntii, waxaan ummadda Somaliyeed iyo Beesha Caalamka ka codsanaynna in aan lagu gabood falin xuquuqda Beesha Shanaad oo aan laga dhigin ka qaybgalkayaga siyaasadda mid HAL MAR AH oo ku eg markii marxaladda Dastuurka Kumeel gaarku dhamaato.

Waxaan ku raja waynnahay in codsigayaga wax laga qaban doono.

 Mahadsanidin

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 11 2012. Filed under Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...