Midnimada Soomaaliya, xiliga kala guurka iyo Hadafka Faroole

52 sanno ka hor,1dii Luulyo, 1960-kii Dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa niyad jab waxaa ka qaaday Gumeystiyaashii laga xuroobay iyo Boqorkii Imbaraadooraydii Dhulgoosatada Itoobiya, Haile Selassie oo markii xaqiiq dhab ah ay noqotay in dunida guudkeeda iyo xaruntii Ummadaha Midowbayba laga dhex arko dowlad Soomaaliyeed lehna madaxbannani siyaasadeed oo ku timid Midowga ay sameysteen shacbiga Ex British Somaliland Protectorate iyo Ex maxmiyaddii Talyaaniga ee Maamulkii AFIS ee Koofurta Soomaliya.

Emperor Haile Selassie, waxaa u qoorsheysnayd, meel kastana u maray inaysan dhaboobin madaxbannaani iyo midnimo Soomaaliyeed iyo gaar ahaan, dib u midoobid kale oo ku yimaada mustaqbalka Soomaalida kale ee maqan. Wuxuu wax badan u halgamay, xooggana saaraayay labadaas gobol ee xoroobay in la hoos keeno awoodaha boqortooyadiisa.Emperor Haile Selassie, kuma ekaan inuu ka xumaado kaliya Madaxbannaanida iyo israaca Muqdisho iyo Hargeysa, bal wuxuu quwadihii adduunka ee ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa weydiistay taageero Milateri iyo mid siyaasadeedba, si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karta Jamhuuriyadda curdanka ah, wuxuuna ka dalbaday inay caqabad ku noqdan jiritaanka Soomaaliya.

Emperor Haile Salaassie, wuxuu ku doodi jiray, ” Waxay yihiin (Soomaalidu) dad reer guuraa’ ah oo aan u qalmin inay noqdaan dowlad gaar ah oo leh dal ka madaxabannaan imbaraaddooriyaddeyda, iska daayee, in la wada xaqiijiyo isku tag iyo mustaqbalka jiritaanka hadafka ah waxa loo yaqaan Somaliweyn”.

Dowladnimada Soomaaliya in la fashiliyo waxaa weligeed ahaan jirtay wax soo jireen ah, dowladdaha deriska iyo kuwii dalkeenna soo gumeystayba, waxay adeegsan jireen si toos ah iyo si dad ban, siyaasiyiin Soomaaliyeed oo caan ah, waqtiyo ku beegan xiliyadiii xurnimo doonka iyo waayihii maamulkii Xukuumaddii dhaakhliyada. Asqaastaas siyaasiyiinta ah, waxay ku guuleysteen hadafkii SYL, wixii ka dambeeyay sannadkii 1956dii oo ka weeciyaan maaba’diidii halganka, taasi beddelkeedana waxay keeneen in ay ku fashiliyaan qiyaamiyin ku saleysan qaabab qaawan ee qabyaalad caddaan ah.

Sannad ka hor waqtigii xuriyadda, waxay arrintaas daraateed ay u abuureen urur loo yaqiin “Great” foodaawi ah, faashilna ah. waxaa ku mideysnaayeen dad kulmiyay qiiro iyo dareen qabiil iyo xubno dhallinyaro ah oo aan lahayn xadaarad, aqoon iyo meheradba, wada reer miyi badawiin u badan. Waxaa badankood laga soo uruuriyay miyiga gobolkii “Ex regione Migiurtinia” iyo qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kuwaasoo si xiriir ah mudaahaaraadyo iyo rabshado dhiig wata ka sameyn jireen magaalada Xamar gudaheeda. Ujeeddada ugu weyn waxay ahayd in laga hortago 1960ka dowaladda dhalan doonta jagooyinkeeda ugu sarreeya sida Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare aan iyagu ka mid ahayn, xitaa haddii Gobalada Waqooyiga ee Somalia ka mid noqoto Jamhuuriyadda xorta ah ee abuurmaysa 1da Luulyo,1960.

Hadafkii qabaliga ahaa, kuna saleysnaa inqilaabkii fashilmay ee Cirro 1978 iyo soo if-bixii jabhadii SSDF, laguna aasaasay Addis Ababa, markii dambana ku dambeeyay taariikh guuldarro ah iyo maleeshiyaadkoodii dhafoorqiiqa loo yaqiin aaqarkii iyaga aan waxba tarayn loo adeegsado burburintii Hargeysa iyo Xamar ayaa waxay astaamo iyo xaqiiqooyin dhab ah u yihiin inaan Soomaaliya horumar, midnimo iyo madaxbannanideeda dowladeed la xaqiijin karin ilaa hoggoonka Siyaasadeed ayan hor boodeyn dad sinjigooda ka soo jeeda. Sidoo kale, waxaa afkaartaas gaboobay, guunkana ah, sannadkii 1997 wuxuu Meles Zenawi ugu xeeriyay asaaskii maamul beeleedka la baxay Puntland oo dhismahiisa iyo barnaamijkiisaba loo maraayo inaan Soomaaliya ka dhalan dowlad xoog leh, dadkeedana ku mideysan yahay. Taas baddelkeedna laga hirgeliyo hannaan federalism ah, dowladda dhexana tahay mid si aad ah u tabardarran, midda qaybqaybsanaanta ahna ee maamul beeleedyada deegaanada noqdaan kuwo aan lahayn jaho maamul ee la raaci karo.

Ninka la yiraahdo Abdirahman Faroole, ayaa si daacad ah u ah adeegaha la isticmaalo oo aan xishoodka lahayn ee la raba in Soomaaliya lagu burburiyo. Wuxuu hoggaanka u qabtay koox loo tarbiyeeyay in la wiiqo sumcadda Soomaaliya ku dhex lahaan karto beesha caalamka iyo in laga soo kabto aafaddii dowlad la’aanta iyo colaadihii jiray. Waxay hortaagan yihiin nabad iyo midnimo ka aslaaxdaa dalka. Waxay qas ku haayaan hadafyada dib u hehiisiinta Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan, wada hadalada u furmay TFG iyo Somaliland. Faroole oo aan la gamban damacyada qabaliga ah, wuxuu yiri, “anaga haddaan nahay reer Puntland, waxaan nahay miisaanka Soomaaliya, wada hadalka Koofur iyo Waqooyinna haddii aan anaga xubno ku lahayn wax ka soconaaya ma jiraan”. Wuxuu si caddaan ah uga hor yimid wada hadalkii Dubai ku yeesheen Shariif Sh Ahmed iyo Ahmed Siilaanyo oo labada dhinac kala matalaaya. Wuxuu inkiray inay midnimo Soomaaliyeed soo noqon karto.

Ujeeddooyinka Abdirahmaan Faroole, waxay yihiin kuwo dabada heysta laga soo bilaabo 1956dii, xiligii daakhilyada, afar sanno ka hor qaadashadii madaxbannaanidii Siyaasadeed. Haddana, waxaa Addis Ababa looga soo dhiibay, dastuur aan macno badan lahayn, kaasoo, ujeeddadiisu tahay in lagu beddelay qabyo qoraalkii ay sida sharciga ah u soo daahinaayeen Guddigii dastuuriga ah ee Madaxabannaan, kaasoo socday qoraalkiisa muddo ku siman ilaa afar sanno ah, doodahiisana u socdeen si furan ee dadweyne.

Waxaa yaab leh, xushmadda qarameedna ka baxsan, Faroole inuu ku eedeeyo dastuurka qabyo qoraalka ee Guddiga Madaxabannan u xilsaaran yihiin qoraalkiisa, “inuu ka horimaanaayo midka Puntland, ku baaqaayo inuu dhismaayo dowlad dhex ee awood badan, Maqaamka Xamar oo uu su’aal geliyay iyo kuwo kale ee saameenaya ilaa 70 qodob. Wuxuu hadda ku doodayaa mid mugdiga ah ee isla oggolaadeen, waxa lagu sheegay “Saxiixiyaasha 6da ah”, inay Puntland u soo martay halgan dheer oo odayaasha iyo Golaha ansixinta doostuurka “Assambly constituency” midkoodna aan awood u lahayn inay wax ka beddelaan, wax ku daraan ama ka dhimaan. Wuxuu ku faanayaa in xudduudaha Soomaliya haddii dal kale wax ku soo sheegto, sida dhul, bad iyo hawoba, “Borders on Territorial Integrity, Continental Shelf and Atmosphere” wada hadal laga geli karo.

Arrimahaan oo dhan waxay ku soo beegmaayaan xili la rabo in laga gudbo “Ku meelgaarnimada” iyo si waafi ah loo xushmeeyo, iyadoo la eegaayo danaha qaranka, wadahadalka u furmay Waqooyi iyo koofur. Faroole iyo inta la saanqaadaysa ayaa waxaa waxgarad badan ku tilmaamaayan inay caqabad ku yihiin howlaha loogu adeegayaayo amaanka, midnimada iyo wadajirka qarameed ee Soomaaliya.
Haddaba, Somalia inay horay u socoto, waxaa horumarkeeda iyo danaha nabadgelyadeeda looga maaro’ la’yaha laba horjoogayaal xajiriin ah, mid waa mid diimeed oo ah Ahmed Godane iyo midka kale oo u muuqda mid qabiileed ku caan baxay ee Abdirahmaan Faroole, waxayna labadooda howlgalada ay wadaan wadaagaan astaamo isku mid ah, kaasoo iskugu imaanaya in dunida guudkeeda looga tago Soomaaliya oo burbursan, dowlad la’aan ah, dadkeedana dhinac qabiil iyo xag firqooyin diini ah ku kala qayb qaybsan yihiin.

Taladiina, ku saleyan amaanta iyo dhaliisha toosineed ku soo dir Emailkaan Muxiyaddiin@hotmail.com

Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com

10 Comments

  1. run sheeg says:

    Ascww, waxaa nasiib daro ah in qof ALLIHIIS ALLE ka yahay burburka soomaaliya in la yiraahdo isagaa burburinaya Soomaaliya sida madaxweynaha Puntlanda Faroole oo kale. Haddaanu nahay umadda Soomaaliyeed waanu og nahay cidda burburisay Soomaaliya, hadaadan xaasid ahayn isir naceybna uusan kugu jirin adiga qoray artikle-kaan ayaa markhaati iiga ah in UNC xarakadii la oran jiray ay iyadu dagaalka wadanka bilowdey ka dibna uu isu bedelay KA DAR OO DIBI DHAL, halka ay Soomaaliya mareyso maantana ay u geysteen rag adiga qoray warkaan aad oran karto hebel iyo hebel ee ILAAHAY ka baq.
    Midda kale Dr Faroole ma waxaad ku naceysaa run sheegnimada mise haduusan u dhalan aaden yabaal ama uusan Xaad la dhalan ama uusan Ahmed Diriye adeerkiis aheyn waxaad oran wadankii isagaa burburiyey, anigu waxaan ku oran lahaa Dr Faroole waa madaxweynaha Puntland wuxuuna ka hadlaa mar walba wixii la isku ogaa oo mar walba lagu heshiiyey ee adigu u sheeg odayaasha kale ineysan ka bixin balantii la isku ogaa oo aheyd in soomaaliya laga saaro ku meel gaarnimada, ha ku warwareegin hadal aan jirin iyo isir naceyb ku buux dhaafiyey aakhiradaadana ilaasho.
    Xaqiiqadu waxay tahay oo adiguba aad iiga markhaati kici lahayd hadaad run sheeg tahay in wadankeena oo colaadi dilootey ay u keceen lixda saxiixayaasha loo bixiyey sidaasna ay naruuro ku timid waana ILAAHAY mahadii ee bal dib isugu noqo oo qabyaalad xumi yeysan ku qaadin, hana ka xumaanin haduu Dr Faroole yiraahdo war wax bedbedelka aan la isku ogeyn joojiya ma ceeb, car arag iyadoo la leeyahay Dr faroolaa Road mapkii wax ka bedelayashalay lagu balamay.
    Xaqiiqada u degoo Dr Faroole ma burburin wadanka mana doonayo inuu burburiyo ee runtu waxay tahay maahmaahdii oraneysay DHURWAA LA TEG BARTEY DHIG WAA KU CEEB oo ah dhaqan ay barteen rag badan oo ku nool ama jooga xamar hadda. Hadal iyo dhamaan ka run sheeg waxaad qoreyso sharaftaadana ilaasho hadii kale maradaa kaa dhaceysa oo waad ceeboobeysaa una soo diyaar garow dowladnimo iyo kala danbeyn, dal iyo dadba la kala lumayeye.
    Wabilaahi Towfiiq.

  2. Ali says:

    ASCW

    Waxaan oran lahaa qoraaga wuu dadaalay inuu wax qoro laakiin wax ah umadda u baahan tahay maa uusan qorin taasoo ah in dadka lagu wacyi galiyo in odayaasha ay soo xulaan dad karti iyo waddaninimo.

    Ilaahay quluubtiina cadawnimada iyo qabyaalada ha idin ka baabi’iyo

    Macsalaama

  3. DAACADNIMO says:

    Waa runtaa MUXUDIIN, in kasta oon dhexdhexaad ka ahaa siyaasadda Soomalida Waqooyi/Koonfur and Bari intaba, hadana runtu waa shey qaali ah oo aad halkan ku iftiinisay. Waa warbixin buuxda oo aad inta daacadda ah ay u arkaan mid lagu raadinayo ama dariiqa lagu heli karo soomaaliweyn si siman wax u qeybsato. Waxa leysku hayo waa (FEDERAAL) oo ah qof walba wixiisa haku tashado… Lakiin Madaxweynaha Puntuland waxa uu u dadaalayo waa dadkiisa sida kuwa kaleba.. oo fikirkiisu waa sax marka uu leeyahay ‘KEYGANA ANAA LEH OO MURAN KUMA JIRO-KAADANA WAA KULA LEEYHAY oo waa kula heystaa. waxa aan ula jeedaa, Soomaalinimo waxa ay ku tuimaadaa marka hal la noqdo oo qabiil laga fogaado… UguDabeyn – Cid walba oo diidan MIDNIMO ama KALATAG qof walba wixiisa la siiyo waa qofka burburineysa Soomaaliya… Sababta oo ah – Yaa yeelaya jeebkaaga i tus oo wax iga sii-isla markaasna keyga anuu ii gaar yahay..? Waa Caqliga Faroole-Siilaanyo- Shariif ShAhmed iyo weliba Waziirka Arrimaha Gudaha DFG oo u xagliya Galgaduud daacadna aan ka aheyn Soomaalinimo xil loo saray. YAAN AAMINNAAA haddaba.. Godane ayaa isna ah Waraabe raadsanaya hadba kii daciifa oo dhinac loo riixo marka la heshiin waayo. Noolow Muxudiin runtana sheeg waligaaa.

  4. Soomaali doon says:

    Waa arrin muhiim ah qoraha waxa uu hadlayo, xaqiiqda oo lasoo bandhigo waa xalka umad soomaaliyeed

  5. durmad says:

    asc aan salaamo dhamaan akhrista yaasha iyo shaqaalaha puntland salan ka dib qoraagu haduu maantay ku eedaynayoh faroole baa diidan nabada farooole 3 sano buu hogaanka puntland hayaah 22 sano qarankii ninka liqay baa maantay wax qorayah oo eeda nin kale la aadayah taasina waa cuqdad aan dhamaan ku jirtah ninka qoray maqaalkaan waana ku jiri doontaah dhibka waad niloowday mana dhamayn kartid calaacalku rag waa ku ceeb mooday ahaanseh weeyday waxaanseh uga baxayaah is xisaabih qof kale ha xisaabineh

  6. Gaban Qardho says:

    Boowe, caayda waa ceeb, qoraalkani waa sax inkastoo dhinaca qabiil dhan uu taabtay hadana dabeecadaha faroole si wanaagsan buu u taabtay mana doonayo faroole in soomaali la isu keeno,

  7. Qaran doon says:

    Runtii waa wax lala yaabo maqalka uu soo qoray ninkaa la yiraahdo Cali Muxyadiin sxiib haddi aadan wwalnay waan kula naqanaa taariikhda somaliya iyo wayihii ay soomartay, waana kaaga xog ogaalsannahay laakinnboorka ayaad ku qarinaysaa waxyaalihii soo dhacay iyo qaranjabkii soomaliya uu hawiye u gaystay soomaliya, ma qarsoomi doonto taariikhda sooyaalka ah ee dalkeenna hooyo waana qoranyihiin filimanna waa lagu hayaa dhacdooyinkk dalkeenna, waxaanse filayaa nacayb qabiil iyo inaay ku dhibayso dawlada federaal ah in la helo ayaa kaa keentay inaan soo qorto taariikhdaan been abuurka ah ee xaqiiqada ka fog runtii marka ay arkaan dadkii goob joogga u ahaa dhacdooyinii qarankeenna ka dhacay laga soo billabo 1950 illaa 2012 iyo qoraaladii iy filimaantii laga sameey way ku qoslayaan qoraalkaan aan saldhigga lahayn. Dr faroole waa madaxweyne puntland, markii uu ka soo baxay waajibkiisii ahaa in uu puntland u horseedo xilligaan xun in ay ku hamido ai ay shiidaalkeeda la soo baxdo ayuu haddana u qalba qqaatay inuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo unuu soo celiyo qaran nimadii soomaliyeed ee ay godka dheer ku rideen beelah ku abtirsado USC inta baddanna waa uu ku guulaystay, waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa waxaa inno balalan iyo mawcid ah markii dhidibada loo taago dawladda dhalan doonta wixii ka dMBEEYO aUGUST markaas ayaannu si dhab ah u xisaabtami doonna intaa wixii ka horreeyo isku sii maaweeli taariikhda benta ah ee aan saldhigga lahayn

  8. cumar maxamuud says:

    yaab badanaa wiilkaan qabyaalada ka hadlaya asagaa lagu soo koroyey bal fiiriya dad dhan buu dhaleecaynayaa adeer faroole waa madaxweyne umadeed mida kalle dadka soomaali halkaasi dhigay dadka waxoodii xalaalsaday ma ilowday wiil yar oo qoraalka baranayana ayaan kuu gartay puntland iyo dadkeeduna waa yaqaanaan adoo kalle aabayaashaa ayaan aragnay waxarahoodana dan umalihin

  9. Qaranimo says:

    War waxaani wada MJ-da ah qabyaalad baa ka buuxda, hadii xaqiiqda la taabto miyaa qeylineysaan, adeeryaal waxaas waa hore ayay ahaayeen, tubtii qaranimada ayaana ku taaganahay ee dadka afka haku taaginooo soo cadeysta

  10. jeex maroodi says:

    Asc bacdal salaan qoraalkaan colaada. Xanbaarsan. Naguma. Cusba. Ee. Waa. Ana. Weykan.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.