Goormaa lala xisaabtami doonaa Gen. C/LLahi Gaafow Maxamud.

Mudaneyaal & Marwooyin, ma is weydiisey nidaamka uu ku saleysan yahay Immigration-ka Somaliya. Ma wuxuu ku saleysan yahay nidaamka caalamiga ah ee aduunka oo idil wada isticmaalo, mise nidaam somaliya oo kaliya u khaas ah ee uu General C/LLahi Gaafow Maxamud hirgeliyey?

Marka aad fiiriso nidaamka uu ku saleysan yahay E-Passport-ka somaliya iyo shuruudaha looga baahanyahays qofka muwaadinka ah ee doonaya inuu qaato Passport waxaa jirta qaab uu ku shaqeeyo immigration-ka somaliya ee hada jira oo ah

1) In lacagta khidmada ah ee la bixiyo aad ku soo shubto bangiga dahabshiil kadibna aad la tagtid xafiiska bixinta Passports-ka warqadii lacag qabashada ee ay dahabshiil ku soo siisay kadibna si fudud laguugu buuxiyo Application form-ka iyadoo lagu su’aalayo

a) Magacaada oo sedexan
b) Hooyadaa magaceeda oo sedexan
c) Taariikhda aad dhalatay
d) Halka aad ku dhalatay
e) Xirfadaadu waxa ay tahay.

kadibna sidaas aad ku qaadato passport-kaada.

Waa arin la yaab leh in muwaadin uu ku qaato nidaamkaan oo aadba moodo inuusan wax shaqo ah ku laheyn nidaamka Passport qaadashada ah ee u dagsan caalamka oo dhan maadaama E-Passport-ka uu yahay mid caalami ah sida uu inoo xaqiijiyey Taliyaha Hogaankaasi, Bal aan idiin yara sharaxo nidaamka caalamiga ah ee Passport qaadashada.

Marka muwaadin uu doonayo inuu qaato Passport waxaa shuruudaha caalamiga ka mid ah in uu qofku qaato ama haysto.

1) Shahaadada Dhalashada (Birth Certificate ama Naturalization Certificate) oo cadeyneysa in uu qofkaasi ama shaqsigaasi ku dhashay wadankaas ama laga dhigay muwaadin balse uu buuxiyey shuruudihii Naturalizationka

2) Warqada Aqoonsiga (Identity Card) oo cadeyneysa in qofkaas uu yahay muwaadin sax ah

3) In qofkaas la cadeeyo in uusan wax dambi ah ku dhex jirin ama uusan galin kana tirsaneyn kooxaha argagixisada ah (Criminal Record Check)

4) Kadibna muwaadinku uu dalbado Passport-ka isaga oo iska bixinaya Qidmada Passport-ka loogu sameyn lahaa kuna shubo bangiga account-iga dowladaas.

Sidaa darteed mala oran karaa E-Passport-ka wuxuu ku saleysan yahay Nidaamka caalamiga ah ee u dagsan dunida oo dhan?

Jawaabtu waa ‘MAYA’

Bal aan ka yara faaloodo taariikhda iyo khibrada uu u leeyahay Immigration-ka Taliyaha Hogaanka Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaliya General C/LLaahi Gaafow Maxamud oo asxaabtiisa ama saaxiibadiisa ay ugu yeeraan (SHEEQUL KULLI) maadama uu yahay kaligii taliye ee uusan laheyn taliye xigeen, af-hayeen, madaxa shaqaalaha, iyo inuu leeyahay xil magacyo badan leh sida

1) Taliyaha Hogaanka Socgaalka oo ah Darajo Ciidan ‘General’
2) Agaasimaha Waaxda Socdaalka oo ah ‘Director’ iyo
3) Madaxa Laanta Socdaalka

General Gaafow wuxuu mudo ka badan 40 sano ka shaqeynayey Hogaanka Socdaal wuxuuna soo kala qabtay jagooyinka ah Taliye xigeenka Hogaanka Socdaalka xiligii Dowladii Kacaanka, markii ay dowladaasi burburtayna wuxuu noqday Taliyaha Hogaanka Socdaalka marka laga reebo Dowladii Carte ee uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane C/Qaasin Salaat Xasan oo uu soo qabtay jagada Xildhibaan Barlamaanka Soomaliya ah, markii ay Dowladaa wakhtigeedii dhamaadayna waxaa curatay Dowladan hada jirta ee la yiraahdo TFG-da oo uu hogaaminayey alaha u naxariistee Mudane C/LLahi Yuusuf Axmed, waxaana markale loo magacaabay Taliayaha Hogaanka Socdaalka, isbedel ayaa dhacay oo waxaa D’Jibouti lagu soo doortay Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isbedelo fara badan ku sameeyey madaxda hay’adaha kala duwan ee dowlada balse General-ka xilkiisa aanan laga bedelin amaba laga qaadin oo ilaa hada sidaas ayuu ku yahay Taliyaha Hogaanka Socdaalka, marka waa nin khibrad iyo aqoon zaa’id ah u leh Immigration-ka Somaliya iyo shuruucda caalamiga ah ee aduunka lagu maamulo habka qaadashada Passport-ka & maamulka dowliga ah.

Marka waxaa xaqiiq ah in General-ku uu ku xadgudbay Qarankii iyo Ummadii Somaliyeed maadaama uu

1) General-ku dhinac maray Nidaamkii Caalamiga ah ee Passport bixinta iyadoo aanan la oran Karin aqoon la’aan amaba khibrad la’aan ayaa ku kaliftay inuu dhinac maro shuruucdaas
2) Marin habaabiyay dowlad wanaagii oo wuxuu furtay bangi aanan dowladu shaqo ku laheyn oo lacagta Passport-ka kusoo dhacdo oo uu kaligiis maamulo (Private Banking System)
3) Sameeyey boonooyin lacag qabasho ah oo uu siiyo dadka Passports-ka shisheeye wata si uu uga qaado $50 US Dollars calaa shaqsi ee kasoo dagaya Airport-ka Aden Cade kadibna uu u siiyo Fiisada dal ku galka ah ee loo yaqaano (Entry Visa), Boonooyinkaan ama (Receipts) oo uu kusoo daabacday Shirkadahaan wax lagu daabacdo ee ku yaala Muqdisho, Boonooyinkaan oo aanan ka diiwaan gashaneyn Hanti Dhowrka Guud ee qaranka si lacagtaas aananba wax la isaga weydiinin, cid ka war haysaana aysan jirin

4) Hor istaagay oo uu isbaaro u dhigtay Hay’adihii kale ee wada shaqeynta kala dhexeysay sida,

a) Maamulka Gobolka Banaadir oo laga rabey iney sameeyaan Shahaadada Dhalashada iyo Warqadaha Aqoonsiga

b) Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga Dhexe oo ay shaqadoodu tahay lacag qabashada iyo dakhli soo ururinta

c) Taliska Ciidanka Booliska Soomaliyeed qaasatan (CID, Criminal Investigation Department) Waaxda Dambi Baarista oo ay shaqadoodu tahay in qofka muwaadinka ah ee codsanaya inuu qaato Passport-ka lasoo baaro si loo xaqiijiyo in qofkaasi uusan wax dambi ah ka galin qaranka somaliyeed kana tirsaneyn kooxaha argagixisada

d) Wasaarada Arrimaha Dibada oo howsheedu tahay ogolaanshaha iyo tirokoobka Passports-ka (Service & Diplomatic Passports) iyo Safaaradaha Soomaliya ay ku leedahay caalamka oo howsheedu tahay inay siiyaan dadka sita Passports-ka shisheeye (Visa) inta aysan imaanin dalka.

Ma waxey aheyd dhamaan hay’adaha la leh xiriirka wada shaqeynta ah in ay dhowraan amaba ka war sugaan inta looga tilmaamayo waajibaadkooda Dastuuriga ah mise in ay fuliyaan waajibaadka ka saran xilka ay u haayaan Qaranka iyo shacabka soomaliyeed?

General Gaafow oo wareysi siiyey warbaahinta soomaliya 24/06/2012 ayaa wuxuu eedeyn kulul dusha uga tuuray maamulada Somaliland iyo Puntland kuwaas oo uu ku eedeeyey inay gacan siinayaan kooxaha argagixisada ah maadaama ay isticmaalayaan Passport-kii cagaarnaa.

Oo ma wuxuu leeyahay General-ku E-Passpor-ka ayaa ah mid anaan kooxaha argagixisada qaadanin amaba aysan qaadan Karin? Sideese lagu xaqiijin karaa? Mise ulajeedo kale ayaa meesha ku jirta?

General-ka isagaa Qarankii Somaliyeed Nidaamkii caalamiga ahaa ee xadidi lahaa in arimahaas oo dhan ay dhacaan dariishada ka tuuray, marka inuu eedeyn usoo jeediyo maamuladaas kale ee uusan tagi Karin sida maamulka Somaliland amaba kala talin Karin sidii ay u gudan lahaayeen waajibkooda inuu eedeeyo waa arin u baahan inay ka jawaabaan madaxda dowlada qaasatan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/Samad Macallin Maxamud, waa arin lagu sifeyn karo oo kaliya qaswadenimo (SPOILER), waana arin aheyd in Madaxweynaha Soomaliya  Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu si hoose ugala xaajoodo Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamud siilaanyo maadaama uu la kulmayey 27/07/2012, mana aheyn inuu qas iyo jahwareer galiyo wada hadalada Somaliya & Somaliland sababta ku kaliftayna waa mid isweydiin mudan.

Waxaa kaloo layaab leh in Bangiga aduunka (World Bank Report) warbixintii uu soo gudbiyey ay kusoo daabaceen inay baaris ku sameyn doonaan dakhliga usoo xarooday Immigration-ka Somaliya oo lagu qiyaaso ku dhawaad $8 Millian US Dollars taana waa arin iyada laga xumaado maadaama Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya Mudane C/Weli Maxamed Cali (Gaas) uu yahay nin aqoon iyo khibrad u leh haystana Shahaadada (Master Degree of Accounts) kuna filan inuu u saaro guddi heer wasiir ah oo soo baara dakhliga usoo xarooday mudadii ay bilaabatay dowlada TFG-da in ay ka howl gasho caasimada Somaliya oo ay usoo guurtay Muqdisho sanadkii 2007 January, waa markii immigration-ka iyo Airport-ka Muqdisho dib loo furay waa arin aad u fudud loomana baahna in World Bank-iga uu faragaliyo howlaha dowlada Soomaliya, laakiin haddii Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo golahiisa wasiirada ay xalin kari waayaan howshaan laguna tilmaamo Dowladaan hada jirta in ay tahay dowlad aanan waxba qaban Karin (Incompitent) waa sumcad xumo usoo hoyatay taariikhdana ay xusi doonto.

Sidaa darteed Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada wali waxay leeyihiin fursad wanaagsan oo ay wax uga qaban karaan kuna badbaadin karaan nidaamkan qaldan ee uu hada ku shaqeynayo Immigration-ka Somaliya.

Waa wixii la oran jiray (Better late than Never) inaad soo daahdo waxay ka fiicantahay inaadan waligaa imaanin.

Balse haddii dowladan waqtiga yare ee u harsan ay ku badbaadin kari wayso Nidaamkii caalamiga ahaa ee uu dariishada ka tuuray General Gaafow waxaa dhici doonta in Dowlada cusub ee dhalan doonta ay u xilsaarto mas’uul cusub kadibna in gabi ahaanba uu immigration-ku burburo ama kala daato, dakhligii usoo xarooday Immigration-kana lagula xisaabtami waayo oo uu lunsado sababtoo ah Nidaamka uu hada ku saleysan yahay Immigration-ku maahan nidaam Aas-Aas wanaagsan ku taagan waafaqsanna shuruucda caalamiga ah ee u dagsan Passport bixinta (Passport Issuence) laakin waa la badbaadin karaa nidaamkan uu marin habaabiyey General Gaafow.

Mise waxaynu niraahnaa Dowladan (TANI GALBATAYE TU KALE MOOYEE) oo ma haysato wakhti ay nidaamkan la marin habaabiyey ku saxdo maadaama ay xiligeedii gabo-gabo tahay.

Habartii indhalati dad cunimay ku darsataan maqli jiray Gaafoow intaas oo aduun ah markuu afka iska mariyay ayuu mantayna waxuu usoo tafa xaytay inuu ka ganacsado dadka bilaa sharciga ah ee jooga qurbaha in dib loogu celiyo Muqdisho oo wali nabadi ka dhalan oo anu wali ognahay in Gaafoow laftiisa uu habeenkii ku seexdo ilaalad Ugandho iyo Burindi.

Akhristoo sidaad ogtahayba waxa dalka Norway dhawaan soo garay mr.Gaafoow iyo nin lagu sheego wasiirka arimaha gudaha ee Soomalia C/Samad Macallin Maxamud waxayna hishiis qarsoon lagaleen dawlada Norway Waxaa uu dhigayaa heshiiskan in si khasab ah loogu celin karo magaalada Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya qoxootiga soomaaliyeed ee dowladda Norway sharciga u diiday.

Dhanka kale taliyaha waaxda socdaalka Soomaaliya C/laahi Gaafow oo goob fagaaro ah kala hadlay maalintii 1-Luulyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway ayaa sheegay in aysan wax heshiis ah la gelin dowladda Norway oo dhigaya in dib loogu celin karo Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya qoxootiga sharciga loo diiday.

Dowladda Norway ayaa casuumaadan u fidisay wafdiga soomaalida, waxaana ay muhiimadiisu aheyd sidii loo bilaabi lahaa heshiis dib loogu celinayo qoxootiga Soomaaliya.

Jariiradd Norwagian ah ayaa qortay in sababta ay maanta u daabacday heshiiskan ay tahay arrimo la xiriira amaanka wafdigii dowladda soomaalida. Wafdiga ayaa maalinkii shalay ka dhoofay dalka Norway.

Xildhibaan soomaaliyeed oo ka tirsan xisbiga AP ee dalka Norway laguna magacaabo Baashe Maxamed Muuse oo ay jariiraddu wareysatay ayaa ka horjeestay heshiiskan, waxaana uu sheegay in wakhti xaadirkan lagu deg-degayo arrinta dib u celinta qoxootiga maadaama xaaladda amaan aysan wali salka dhigan.

Si kastaba shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway ayaa u qaadan kara arrintan khiyaamo ay dowladoodu ku sameysay, maadaama masuuliyiintii arrintan wax ka sixiixday ay dhowr jeer u sheegeen in aysan howlahaas gelin halkaasana waxaa ka cad inuu Gafoow iyo saxibkis yahiin kuwa ku baraara dhiiga dadka Soomaliyeed iyo dawladoodaba waxaan kusoo gaba gabaynaya uurraysataye bal aanu eegno waxay umusho.

Ciiro Ahmed Hassan

dr lgle

Comments are closed.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.