CED-Som
|

Xasan Daahir oo isku tilmaamay inuu yahay Gobonimodoon

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sare ee Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay dabaal dega xuska sanadguurada Qaranimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in aysan jirin Xornimo loo dabaal dego.

Wuxuu sheegay Xasan Daahir Aweys inuu jiro dulmi laga galay Shacabka Soomaaliyeed welina uu socdo dulmigaasi  iyo gumeysi uu tilmaamay iney hormuud ka yihiin dowladaha Itoobiya iyo Yugaandha. “Waxaan u arkaa in Soomaaliya aysan helin xoriyad ay u dabaal degto, waxaa ka haboonaan laheyd intay munaasabado dhigiyaan inay iska dulqaadaan gumeysiga cusub ee duldegan” ayuu yiri wadaadka.

“Aniga uma fadhiyo inaan ka hadlo wax Al-Shabaab khuseeya ee waxaan ahay gobonimodoon doonaya inuu u hadlo sidii uu shacabkiisa uga bixi lahaa dhibaatada ka heysata xornimadooda” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhinaca kale dhaliil u jeediyay Dowladdaha Islaamka oo uu tilmaamay iney dhabarka xejiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

 Mar uu ka hadlayay guusha Akhwaanul Musliminka Masar ee Madaxweyne Mursi ayuu sheegay iney gaareen qadiyaddii ay u halgami jireen, balse waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Maxamed Mursi inaanu khudbaddiisa marna ku soo darin arrimaha Soomaaliya.

Xasan Daahir wuxuu sheegay in xubnaha Dowladda KMG oo uu ku tilmaamay dabadhilif qadiayadi Soomaaliya ka iibiyeen wax uu ku tilmaamay gumeystayaal isla markaana xal u arkeen tagitaanka magaalada Addis Ababa iyo adeecida waxa uu faro hogaamiyaha Itoobiya Mellas Zenawi oo uu ku tilmaamay cadowga ugu weyn ee Soomaaliya ah.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 4 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

4 Comments for “Xasan Daahir oo isku tilmaamay inuu yahay Gobonimodoon”

  1. ASC!
    Adeer xassan afkiisa iyo dhagahiisa isma maqlaan shalay kitaab iyo diin ayuu u dagaalamaayey maanta wuxuu leeyahay goboninodoon ayaan ahaywaa wax lala yaabo ileyn qoka haduu xaaraan iyo dhiig islamed ka dhargo waxba ma xusuusto bal haloo baaro arkifiyada uu hadaladiisi hore ku duubay muxuuse mursi ku gaarey mursi waa nin tashtay aeer xasan tasho nin ayuu ilaah kaa dhigay

  2. Oday xasan flimkiisa waa dhamaaday, mar buu sharaf lahaa laakiin isagaa iska qaaday sharafta, maanta cid u baahan ma jirto

  3. Waa wax lala yaabo hadalka xasan dahir awees, soomalidu waxay tiraahdaa neef gawracan geedo kama waabto, ninkaan dhuumashada ku jiro ee waayey meel qariso, meeshii ka hortimaadaba madaxa ayuu la dhacayaa ama ku dhufanayaa maxaa yeelay jihadii baa ka dhuntay, wax mabda, ah iyo qorshe uu ku socdaana ma jirto, laakiin waxaa uu nafta ku sasabayaa in uu wali ku dhuumanayo marka caddeey oo uu muddo badan ku taamayey in uu xoog kula wareego, laakiin dhuumashadii waa soo dhammaatay waana looga dabatagi marka cadday, maalmaha soosocdana waxaan arki doonaa isagoo ku dhuumanaya meel u dhaw Baladweyne, balmarkaas aan aragno waxa uu noo sheego marka uu tagao baladweyne agteeda si uu ugu dhawaado Guraceel bal si uu nafta ugu sasabo inuu u sii dhawaado jifadiisa si ay u badbaadiyaan, waxayse ila tahay inaan looga daba hari doonin Gureceel iyo meelkaste oo uu ku dhuunto ama uu isku qariye.

  4. Diriye Faarax Hiloowle

    Wuxuu yiri” bal shabahablena ku day walaalow”; Shiikh Dahir markii Diintu idin kicin weydey, wuxuu
    is yiri bal ku fiiri inay Waddaniyad jirkood ku jirto !!!!!!!!!!!!!!!!.Laakiin dagax tuujin iyo taabasho waa isu
    mid; waxaan fiirin doona meesha ay idinku furaan Shariifooyaal, iyo kuwa la baxay ahlu-sunno ee ku
    meereysta qabuurta. Dabadhilif gumeyste. Soomali waxaa u dambeysey qashin, caado qaate iyo
    nacas meel uu u socdo garaneyn.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...