40 Guuradii dilkii Generaal. Salaad Gabeyre iyo Saaxiibadiisa “Sawiro”

Luulyo 3-1972, abbaarahii 08:00 subaxnimo maanta oo kale ayeey ka soo wareegatay 40 sanno, dil murugo leh, si waxashnimo ahna loogu fuliyay General Salaad Gabeyre Kadiye, General Mohamed Aynanshe Guleed iyo Col. Abdulkadir Dheyl Abdulle. Dabcan gacan ku dhiiglayaasha dilka sameeyay waxaa ugu weynaa kaligii taliye Siyaad Barre, laakin dhagar qabayaalkii kale oo iyagana sida firfircoon ugu lug yeeshay ayaa laga xusi karaa Mohamed Ali Samatar, Ismail Ali Abokor, Abdalla Mohamed Fadil (oo dhintay), Ahmed Suleyman Dafle,  Mohamud Gelle Yusuf iyo Abdulkadir Haji Masaleh.
40 sanno oo u sii dhawaanaysa nus qarni laguma tilmaami karo waqti dheer inay ka soo wareegtay, bal waxaa cad in ragga la laayay weli dhiiggoodii uu ka sii dhex qoyan yahay quluubta iyo xusuusta maalaayiin Soomaali ah. Siyaad Barre uguma harin raggaasi dil kaliya, wuxuuse ku sii darsaday inuu dhaco maal iyo xoolo wixii ay lahaayeen iyada oo loola jeedo in xataa lagu hanti tiro agoontii iyo xaasaskii ay ka tageen, islamarkaana diiwaannada dowladdana uu ka saaro magac, xushmad, taariikh iyo xusuus wixii ay ku kasbadeen shaqo dhinaca siyaasadaha iyo howlaha difaaca qaranka oo loogu aqoonsanaa inay ku lahaayeen door geesinimo ah iyo kaalin aad wax ku ool ah.
Taariikhdu ma qarsoonto si kastoo laysugu dayo.Dadna waxaa ugu caqlixun ama ugu doqonsan ciddii iskudayda intey xumaan iyo wax xil leh sameyso haddana is tiraa xumaantaasi way qarsoonaan doontaa maxaa yeelay bohosha lagu aaso hareereheeda ayaa hadla.
Taariikhda waxay xususeysaa in loo laayay ragga shaki laga qabo, kadib markii ay sii if-baxeen khilaafyo iyo ballan ka baxyo si bareer ah loo sameeyay, taasoo si weyn ugu lug lahaayeen koox Afweyne ka dhex sameystay qaar ka mid ahaa kuwii wax ka ogaa inqilaabkii lagu rogay dowladii rayidka ee dastuuriga ahayd iyo kuwii gadaal magacyadooda lagu daray liiska xubinimada GSK. Siyaad Barre wuxuu ka cabsi qabay saddaxda nin oo aan arkeyn waddaniyaddooda iyo Soomaalinimadooda, balse kaliya ka fakira isirka ay ka soo jeedaan oo ah beelo waawaayeen midkood inuu qabto xilka taliyonimada XDS.
Wuxuu markiisa hore doonaayay inuu isaga isku noqdo Madaxweynimada GSK iyo Taliyaha XDS, bal haddii ay u socon weysana, uu u dooro xilkaas, sida markii dambe dhacday, Mohamed Ali Samatar iyo Abdalla Fadil oo taliye iyo taliye ku xigeen kala noqdeen.
Samatar iyo Fadil waxay saaxiib dhow la ahaayeen Salaad Gabeyre, laakin ka hor iyo kadib markii xilalkaasi loo dhiibay, waxay bilaabeen inay si dhagari ku jirto kula socdaan. Shaqada ugu muhiimsan oo ay qabanaayaan ayaa ahayd inay saacad ka saacad ka war keenaan dareenka iyo talaabooyinka uu qaadi karo iyo inaysan faarujin waqtigiisa si talaabooyinkiisa ay xogogolaal uga noqdaan.
Siyaad Barre wuxuu wajihi jiray welwel badan oo uga imaanaayay la gambasho la’aanta Salaad sida uu u daneenaayo inuu qaato xilka Taliyahnimada XDS iyo inuusan doonayn, Xilka loo magacaabay oo ah Wasiirka Gaashaandhigga. Diidmadiisa ayaa loo aaminay inay ku daahsoon tahay qoorshe damac ah inuu soo wado inqilaab.
La wareegistii xukunka ka hor, waxaa jiray shuruudo lagu heshiiyay, kuna aaddanaa shax awood qaybsi ah. Waxaa ka mid ahaa, Afweyne maadaama uu ahaa qof waayeel ah, xagga da’da iyo darajadana ugu weynaa raggii tashaday, loo tixgeliyo xilka Madaxweynanimada, halka Taliyaha XDS uu noqdo Salaad Gabeyre.
Markii la guuleystay, Siyaad Barre oo ah qof lagu yaqaan shaki iyo inuusanba lahayn mowqif loogu soo hagaago ayaa waxaa laga daadhiciyay Salaad Gabeyre inay meel u taal qoorshe la mid ah tabtii Kacaankii Masar ee Jamal Abdinassir u maray xilka Madaxweynimada, taasoo uu kala wareegay General Mohamed Najib, kadib markii labo sanno ku siman uu xilkaas haayay xagga da’da darteed.
Sida ay caddeynaayaan, saraakiil xogogaal ah, lana socday wixii ka dhacaayay xaruntii Avizione, saraakiil waaweyn oo ay saaxiibbo iyo isku koox ahaayeen Salaad Gabeyre ayaa aad uga caroodeen, kadib markii uu Salaad aqbalay Afweyne inuu noqdo Madaxweynaha GSK. Saraakiishaas aad u xanaaqay qaarkoodna bilado geesinimo ku kasabeen dagaalkii 1964 waxaa ka mid ahaayeen Col. Ibrahim Roble Warfa’ “Doonyaale”, Col. Elmi Nur Tarambi, Col. Mohamed Nur Barqhab, Col. Ahmed Ismail Boqor iyo kuwo kale oo badan.
Arrimaha kale oo ay isku qabteen Gen. Salaad Gabeyre iyo Afweyne  waxaa kaloo ka mid ahaayeen:-
1. Go’aamada GSK ee taabanaya dhinacya xukuumadda, sharci sameynta, Siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo difaaca in loo wada gaaro si wadajir ah, cod qaadis ah hab dimqoraadi ah ku saleysan, mustaqbalkana la tixgeliyo waqti cayiman oo munaasib ah sidii iyo wadiiqadii xukunka loogu celin lahaa shacabka.
2. Subaxdii koowaad ee malitii inqilaabku dhacay,lana soo qabqabtay si loo xiro dhammaan Xubnihii xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahoodii Mohamed Ibrahim Egal ayaa Afweyne isna maalintii labaad uu soo xiriray, iyada oo aan la isku raacin siyaasiyiin waawaaeyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Aden Abulle Osman, waxaa kale  ragga la xiray ka mid ahaayeen Abdirizak Haji Hussein iyo Haji Musse Boqor, halka Sheikh Mukhtar M Hussein iyo Gen. Mohamed Abshir Haamaan uu ku haayay xabsi guri muddo dheer. Qabaqashadaas waxaa loo adeegsaday ciidan heyb sooc ah oo Afweyne ninka uu soddogga u yahay Ahmed Suleyman Dafle wata.
3. Liiska Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka oo xubno taageerayaal ah ku soo darsaday Siyaad Barre.
Mohamed Ali Samatar, wuxuu ahaa ninka naqshadda u haayay tabaha Siyaad Barre uu ku noqon lahaa kaligii taliye inta uu nool yahay Xukun ku waara.  Axdigii Labaad ee GSK waxaa lagu qeexay Somalia inay dooratay dhabbaha Hantiwadaagga cimiga ku dhisan ee Marxism-Leninims. Nidaamkan wuxuu jideenayaa inay xaaran tahay habka awoodaha kala soocan ee hey’aadaha dimoqraadiga ah (Check and Balances) ee barabar socon karta midda kaligii talisnimada, lala wareego hantida gaarka ah ee shirkadaha shisheeye iyo kuwa waddaniga ah, dalka aan ka jiri karin nidaam dhaqaale ee furfuran, xorna ah sida ganacsi iyo suuqyaba, la baa’biyo sharci kasta oo u adeegaya sharafta aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xuquuqul iinsaanka, sida inuu ka qayb qaadan karo wacyi gelinta mujtamaca, hal abuurka, xuryatul qowlka, abaabulada xisbi iyo bannaanbaxyada shacbiga ah.
Xubnihii GSK, xataa Siyaad Barre, kuma jirin qof si duluc ah u yaqaan falasafadda Marxism-Leninism, bal waxay ka ahayd in loogu sii dhawaado xiriirka Ruushka iyo in xukunka la isku waariyo. Afweyne wuxuu ka jeclaa Marxism-Leninism aragtida Machiavelli oo dhahaysa, “Wax kasta samee, una mar si aad danahaada u gaarto iyo ma jiro caqli iyo maskax kale oo aan ahayn midda uu ku fekero kaabaha.”
Salaad Gabeyre iyo Afweyne arrimahaas aan kor ku soo sheegay ayaa ugu muhiimsanaa wixii dhab ahaan ay isku haayeen. Mana jirin inqilaab uu waday, ee isagaa la shirqoolay, lalana dilay saaxiibada kale. Saraakiishii hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah, waxay qabaan in Gen. Caynaanshe marka la barbardhigo Afweyne ay kala ahaayeen laba qof oo waxyaabo badan ku kala geddisan. General Mohamed Aynanshe Xagga aqoonta, waddaniyadda, hufnaanta iyo sumcaddaba wax badan ayuu kaga horreeyay Afweyne. Waxaa loo tiriyaa Caynaanshee in dhinac walba uu ku dhawaa wannaaggii General Daa’uud looga haayay XDS iyo Shacbiga gudahiisa.  Sidoo kale Gol. Abdulkadir Dheyl Abdulle, Wuxuu ahaa sarkaal uruursan, tababar sare qaba aadna iskugu kalsoon. Wuxuu ahaa geesi aad u firfircoon aadna saraakiisha iyo askartaba u jeclaayeen.
Taariikhda Salaad Gabayre kediye ee aan la illoobi karin keliya ma aha in xaqdarro lagu xiray iyo in xaqdarro lagu toogtay. Waxaan la illoobi karin in la jirdilay ilaa heer waxyeelo darran oo aad u foolxun loo geysto xubnaha jirkiisa isagoo nool. Eheladiisa iyo xigtadiisa taas xogogaalka u ahaa ma aysan ka hadlin arrintaas, laakin waxaa loo adkeysan waayay oo aad looga xumaaday kana nooga hadlay Allaha u naxariitee Jeneraal Axmed Cabdulle Shucayb “Indhaguduud”, oo ka tirsanaa markaas Xeerilaalinta Maxkamaddii babaadada lagu sheegi jiray.
Ragaas sida arxan darrada loo laayay, ayaa hadda waxay joogtaa inay yihiin kuwo mudan qof iyo qaran ahaanba la xusuusto, xushmaddii iyo taariikhdoodii la aasayna dib loo soo nooleeyo iyada oo loo sameynaayo tacsi qaran iyo maalin lagu xusuusto iyo in lagu sharfo magacyadooda meelo muhim ah oo ummadda u dhaxaysa, sida waddooyinka, iskuulada iyo xarumaha ciidamada iwm. Sidoo kale waa in 12ka April, Maalinta xuska XDS magacyadooda iyo taariikhda ay leeyihiin lagu weyneeyo iyo in dhammaan wixii hanti ah oo laga dhacay dib loogu celiyo cidda leh dhaxaltooyadooda sida madaxda qaranku go’aanka ku gaartay.
Dood laga keeno go’aamadaas sida ay ku soo qoraan Dr, Cabdiwahaab Tarrey iyo Dr. Qaasin Xersi Golaha Dooddaha Aqonyahanka ee Talo iyo Tusaale waxay damqinaysaa boog ama utun ooyin cusub ku soo kordhin karta arrimaha murugaysan ee maanta ummadda soomaaliyeed haysta oo uu abuureen Siyaad Barre iyo gacanyarayaashiisii ay ka mid ahaayeen kuwa sare ku magacaaban.

2 Comments

  1. Diriye Faarax Hiloowle says:

    Saxiib Mr. Warfaafiye-website, waxaan u malaynayaa inaad daba socoto Manifesta, SSDF, SNM, SPM,
    iyo USC, oo maanta meeshaa aan naal na dhigay, Qabiil iyo qurun waa kan sidaan maanta nahay noo
    galay, marka waxaan ku leeyahay ka har sheekada Gabayre iyo saaxiibadiis. Meelna ha uga dhicin dad
    wanaag badan wadanka u soo qabtay.

  2. Ahmed Baydhabo says:

    Qof waliba wixii uu wanaag qabtay taariiqda ayaa xusta oo taariiqda waa maguurto (noble factor) Ilaahay ha u naxariisto sarakiishaa la dulmay, Gen-Gabeyre, Gen-Ceynaanshe iyo Col-dheel oo naftooda lagu gardarooday laakiin maanta ayaga ayey guusha la jiiftaa oo waxay Ilaahay hortii ay xisaabta u taalaa kuwi soo dulmay o xaqdarada isagu baheystay, Ilaaheeyna waa uu ka jaasin doonaa. Waxaan taagersanahay fikirka ah in la xuso oo maalin gaar ah oo 12-Apriil si gooni loogu fadlli yeelo taariiqdooda, geesiyaashaa Soomaaliyeed go’ay ee sida fuleynimada loo dumiyey oo aas qaran loo sameeyo oo lagu xuso in loogu magac daro meelo muhiim ah, hantidoodan loo soo celiyo reerohoodii oo taalo qaran daljirka daahsoon loo dhiso,sababtoo ah waxaan weynay saraakiil sare oo usoo wax bartay dadkooda ,aqoontoodana ula diyaar ahaa iyo waayo aragnimadadooda ay dadkooda wax ugu qabtaan xili aanu qaadanay xornimo laakiin nasiib daro loogu abaal guday, loona laayey keliya cuqdad iyo masiirkooda aqooneed oo ka sareeyey kuwii mujrimiinta ee uu horkacaayey afweyne oo keliya ay u muuqatay fikir ah inuu laayo ragan aqoonta leh , dariiq kasta oo fool xun oo loo maro, laakiin uusan ka damqaneeyn inuu damiyo saraakishii iftiinka u ahaa xooga dalka Soomaaliyeed. Waana nasiib daro tan ugu weyn oo aan ka xusi karno taariiqda Soomaaliya iyadoo ay noo weheliso taa dilkii culimada Soomaaliyeed oo naftooda ku waayey qoowlkii rabi oo ay si xaq ah ugu taagnaayeen, laakiin afweyne uu ka doortay qoolkii Ilaahay kursi maalmo kooban ahaa (MATAACUL GARUUR) oo maantana uu naga hooseeyo oo waxa uu mutay ay tahay keliya mid Ilaahay uu ogyahay laakiin sida quraanka kariima laynoogu sheegay ficiladaas foosha xumaa ay geeysteen afweyne iyo kuwii u shaqeeyn jiray ee dulmiga bareerka ee saraakiishaa iyo culimadaas Soomaaliyeed loo gooyey naftooda, dhiigooda la daadshay uu yahay cawaaqib xun oo carada eebe soo dedejin karta oo lagu fasahaado. Ilaahay baan ka magangalnay inuu na fasahaadsho oo camalkeena uu xumaado.. Amiin. Mar labaad Ilaahay janadii fardowsa ha siiyo saraakiishaas iyo culimadii ka danbeeyeey oo dhamaantooda dulmanaa oo nasteexo ay ku qaboobaan oo ay ku hilmaamaan dulmigii loo geeystay Ilaahay haka siiyo janada dhexdeeda oo waxay ahaayen shahiid ee SAMIR jamiil ah Ilaahay Soomaali oo dhan hakawada siiyo culimadaas iyo saraakiishaa aan weynay.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.