CED-Som
|

Al-Shabaab oo qisaastay gacan ku dhiigle dadka dhibaato ku hayay

Maxkamadda Ururka Al-Shabaab ayaa xukun qisaas ah kula fulisay shalay meel fagaare ah oo ku taal magaalada Marka Gacan ku dhiigle Cabdi Maxamuud Cismaan (Qooreey).

Ninkani qisaasta lagu fuliyay ayaa horay u dilay dad rayid ah, hantidoodana ka qaatay, waxaana kasoo qeybgalay xukunka lagu fuliyay dadweyne fara badan iyo maamulka Shabaab ee Gobolka.

Gudoomiyaha Maxkamada ee Al-Shabaab ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Cabdi Maxamuud Cismaan (Qoorey) horay u dilay labo nin, isla markaana uu ka hor qirtay maxkamada markii cadeymo la hor keenay.

Ehelada dadkii uu dilay ayaa dalbaday in loo qisaaso ninkan, taasoo markii dambe lagu fuliyay xukunka meel fagaare ah oo ay ku toogteen Ciidamo ka tirsan Shabaab oo si garba siman.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka taliyaan xukuno ku saleysan shareecada islaamka horay uga fulisay, waxaana xukunada qisaasta ay noqdeen kuwo yareeyay dilalka macno darada, walow wixii iyaga ka horyimaadana sidan oo kale xukuno ugu fuliya.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 2 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...