Fannaan caan ah oo xashiish lagula qabtay Norway xili uu ka dagayay Garoonka
Kadib falkani ayaa waaxda canshuuraha loo gudbiyay Snoop Dogg iyadoo aysan jirin cid fahansaneed ilaa ay ka arkaan baasaboorka uu watay kadibna uu isku sheegyay inuu yahay fanaanka weyn ee ka tumi doona Norway isbuucaan , taasoo la yaab ku noqotay amnigii.
Waxaana markiiba laga reebay xashiishkii oo ahaa ilaa 8 gram kaliya waxuun uu sheegay Snoop inuu rabay inuu isku kululeeyo cabista nacasta kahor intuusan fuulin masraxa waxaana uu dhowr jeer ku fashilmay arrinkani iyadoo horey isla Norway loogu qabtay laakiin lasii daayay , sidoo kalena Sweden lagu xeray mar sii horeysay.
Snoop Dogg ayaa twitter kiisa kusoo qoray inuu eeygaas qabtay ahaa mid xariif ah oo fatash badan , laakin waxuu sheegay inuu ka iibsaday xashiishad kale dalka Norway gudahiisa waxuuna isku soo sawiray asigoo jiidayo kuna cabaya masraxa meel ku dheggan.

Sawirka Eeyga qabtay Snoop Dogg oo lagu magacaabo Labrador waa 3 jir ka howlgala Oslo Airport
Snoop Dogg ayaa ah fanaan aad ugu waalan cabista Xashiishka asigoo waliba heesa badan oo u qaaday nacasta ama xashiishadda , sida heesta smoke weed everyday oo micnaheedu yahay xashiish cab maalin kasta.
Jilaa.com
info@jilaa.com
