Faroole oo ka hor yimid qodobo ay ku heshiiyeen Shariif iyo Siilaanyo
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif SH. Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, isagoo sheegay in aysan wax dan ah ugu jirin Umada Soomaaliyeed.
C/ramaan Faroole Wareysi siinayay Idaacadda BBC ayaa sheegay in wadahadaladii ay ku yeesheen dalka Isku taga Imaaraadka Carabta Shariif iyo Siilaanyo uu ahaa mid iyaga u gaar ah, islamarkaana aan looga hadlin wax dan ugu jirin Umada Soomaaliyeed .
“Aniga iyo Siilaanyo shirka burcad badeedka ayaa isku gacan qaadnay, kulankoodana gaar buu ahaa oo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa isa tusisay, Siilaanyo wuxuu rabaa Ictiraaf, Shariifna olole doorasho ayuu Madaxweyne ku rabaa in mar kale ku noqdo, kulankaas wuxuu ahaa mid labadooda gaar ahaa oo aan dan Soomaali ku jirin”ayuu yiri Faroole.
Wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif uu u sheegay mudadii ay ku sugnaayeen shirkii Naoribi ee saxiixayaasha Road Map-ka in Imaaraadka Carabta ay ku kulmi doonaan Madxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, wuxuuna buu yiri Faroole waxyaabihii uu sheegay Shariifka iney ka wada hadlayaan arimo ka duwan in ay ka wada hadleen ayaa soo baxday.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeeda in wada hadalo lala yeesho Maamulka Somaliland oo Puntland kala dhaxeeya dagaal dhinaca soohdimada ah, wuxuuna Faroole horay u sheegay in kulan uu isaga ka maqan yahay hadii uu dhex maro labada dhinac in uusan waxba soo kordhin doonin.
Email: warfaafiye@gmail.com
