CED-Som
|

Mario Bolatelli oo goolashiisii xalay u hadiyeeyay Hooyadii soo korsatay.

Weeraryahanka xulka Italy Mario Balotelli oo xulkiisa ku hogaamiyay finalka Euro 2012 ayaa sheegay in goolashii xalay uu ka dhaliyay xulka Germay u hadiyeeyay hooyadii soo korsatay.

Bolatelli ayaa aaday dhinaca tarabuunka isagoo xabadka geliyay hooyada soo korsatay ee Silvia, isagoo u mahad celiyay, “Maxaan xusuus ah oo aan ka qaadan doonaa ciyaartaan?  Hubaashii waa kadib ciyaarta markii aan u tagay hooyadeey oo aan ku iri ‘goolashaan adigaan ku dhaliyay’.

“Waan sugayay sidaan oo kale muddo dheer, gaar ahaan markii ay hooyadeey halkaan timid, waxaana doonayay inaan ka farxiyo”.

“Caawa waa habeenkii iigu quruxda badneyd nolosheyda, waxaanse rajeynayaa in axadana ay ka sii farax badnaan dooonto. Haatan waxaan u baahanahay inaan nasano oo aan garaacno Spain” ayuu sii raaciyay.

Bolatelli oo hadal jees jees ah saxaafadda kula hadlayay ayaa yiri “Anaga iyo Spain ayaa ah labada kooxood ee ugu fiican tartankaan. Ma ku guuleysan karnaa? Su’aashaas waxaan ka jawaabi doonaa axada”.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jun 29 2012. Filed under Cayaaraha, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...