Xulka Spain oo Rigooreyaal ugu soo baxay Finalka Euro 2012
Xulka Spain ayaa usoo baxay ciyaarta Finalka Euro 2012, markii Rigooreyaal kaga badiyeen xulka Portugal, iyadoo labada qeyb ee ciyaarta isku mari waayeen Goolal la’aan waxayna ku kala baxeen 90-kii daqiiqo ee loogu tala galay ciyaarta 0 iyo 0.
Xulka Portugal ayaa qeybtii hore ee Ciyaarta waxay soo bandhigen Ciyaar aad u wanaagsan dhoor fursadood oo ay abuureen ayaa waxaa hor istaagay Daafaca Kooxda reer Spain Ramos iyo Pique.
Dhanka Xulka Spain ayaa wax badan ka badalay qaab ciyareedkii qeybtii hore oo ayagu aad looga gacan sareeyay waxeeyna bilaabeen in ay hor istaageeyn weerarka xulka Portugal, fursado ay ku dhalin kareen goolal ayaa soo martay Spain laakiin daafaca Portugal ayaa taasi diiday.
Waqti dheeri ah oo lagu daray 30 daqiiqo, labada xul mar labaadwey isku mari waayeen waxeyna ku soo dhamaatay 0 iyo 0, loona gudbay Rigooreyaal labada dhinac ay kala tuuranayeen.
Xulka Spain ayaa sugaysa in ay la ciyaaraan labada xul ee Germany Vs Italay ee balansan Habeen Dambe kii u soo baxa Finalka Euro 2012.
Waa markii Saddexaad ee Xul u soo baxaya Koob sidaan oo kale ah waxaana Xulka Spain lagu xasuustaa labadii Koob ee waaweynaa ee soo qaadeyn waxaana la dhihi karaa kani waa mid hadane u saaran afka.
Email: warfaafiye@gmail.com
