Xulka Italy oo u soo baxay markii uu rigooreyaal ku reebay England
Xulka Talyaaniga ayaa u soo baxay semi-finalka koobka Euro 2012, markii ay rigoorayaal ku reebeen xulka England oo 120-kii daqiiqo ay ciyaareen isku dhaafi waayeen barbaro.
Xulka Talyaaniga ayaa kubada inteeda badan heystay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana ay labada xul isweydaarsadeen fursado goolal loo filan karay, lakiin fursadaha Italy soo maray ayaa ahaa kuwa ka badan kuwa England soo maray.
Waxaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, qeybtii labaad markii la isku soo laabtay waxba ma aysan ka duwaneyn sidii qeybtii hore iyadoo Italy ay kubada heysatay islamarkaana Pirlo uu khadka dhexe kala maamulayay.
Italy ayaa fursado qaali ah mar kale abuurtay lakiin waa ay haleeli waayeen shabaqa, waxaana ay 90kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.
Markii ugu horeysay tartankaan Euro 2012 ayaa waxaa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo, iyadoo England ay u muuqatay inay ku tashaneyso kaliya daafac halka Italy ay cadaadis saarayeen goolka Joe Hart, lakiin sidaas oo kale 120kii daqiiqo waxa ay ku dhameysteen barbaro goolal la’aan ah, iyadoo England ay nasiib ku laheyd inaan goolal laga dhalin halka Italy ay nasiib darro ku aheyd inaysan shabaqa soo taaban.
Waxaana labada xul ay isla aadeen rigoore 4-2 ay ku badisay xulka Talyaaniga oo u qalmay inay u soo baxaan semi-finalka Euro 2012, waxaana ay la ciyaari doonaan xulka Jarmalka.
England ayaa waxaa rigoore ka qasaariyay Ashley Young iyo Ashley Cole, iyadoo Young uu birta ku dhuftay halka Cole uu ka qabtay Gigi Buffon, waxaana rigooradii guusha u xaqiijisay Italy u saxiixay ciyaaryahan Diamanti
Email: warfaafiye@gmail.com
