CED-Som
|

Wiil Somali oo Qasriga Boqortooyada Sweden Dahab Qaali ah ka xaday.

Cabdulqaadir Cabdi Cusmaan

Bishaan June 18.keedii waxaa maxkamd madani ah oo kutaal Caasimadda Stockholm lasoo saaray xukunna ku ridday wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah iyadoo lagu eedeeyey uuna qirtay in uu Boqorka Walaashiisa yar Chiristina iyo ninkeeda Tord Magnuson uu ka xaday dahab qiimahiisu dhan yahay 850.000 oo Karoon.

Sideebay ugu suurogashay inankaas dhalinyarada ah in uu galo qasriga Boqortooyada oo si adag loo ilaaliyo?

Cabdulqaadir Cabdi Cusmaan oo ah wiilka dahabka xaday oo imminka 19 jir ah
wuxuu yimid dalka Sweden 2009-kii isagoo da´diisu yartahay oo aan cidina la socon waxaana ugu dambaystii markuu qaangaaray degaan laga siiyey xaafadda Tensta ee magaalada Stockholm halkaa oo aay isku barteen Ganacsade Tord Magnuson oo qaba Boqorka Sweden walaashiis Prinsessan Christina.

Qoyskaas reer Boqor waxaay si aad ah usoo dhaweeyeen Cabdulqaadir Cusmaan oo aay ula dhaqmeen sidii wiil aay dhaleen wuxuuna kamid noqday bahda boqortooyada waxaana qol uu seexdo lagasiiyey qasriga Boqortooyada, sidaas darteed waxa uu noqday wiilkaasi qofkii ugu horreeyey oo u dhashay Soomaali oo nasiib u yeesha in xushmad heerkaas gaarsiisan uu ka helo boqortooyada Sweden.

Cabdulqaadir Cabdi Cusman oo ka faa’iidaysanaya gacanqabashada Reer Boqor gaar ahaan Tord Magnusson oo Qaba boqorka Walaashiis waxaa la geeyey shaqo joogto ah oo uu ka qaadanayey mushaar sarreeya.

Maxkamadda horteeda baa Tord Magnuson ka caddeeyey in Cusmaan aay isbarteen bishii september 2010kii uuna noqday saaxiib uu ku kalsoonaaday taasina aay keentay in uu Cusmaan ku milmo Boqortooyada Sweden qolna laga siiyo Qasriga Boqortooyada qaybta aay deggan yihiin Boqorka walaashiis iyo ninkeeda.

Xushmadda reer boqor u hayeen Cusmaan waxaay gaarsiisay in uu u raaco oo kula soo tamashleeyo hoyga aay ku raaxaystaan boqortooyadu xilliyada xagaaga oo ku yaal balliga la yiraahdo Ingarö.

Qoyska Reer Boqor waxaa amakaag ku riday falka uu Sameeyey Cusmaan

Markii laga warhelay maqnaanshaha dahabka waxaa tuhmadu dulsaarnayd labada qof oo keli ah oo fursadda u haystay in aay galaan qolka jiifka ee Chiristina iyo Tord Magnuson waxaayna labadaas qof kala ahaayeen Cusmaan iyo gabar adeegta ka ahayd guriga.
Cusmaan oo loo haystay nin daacad ah reer boqorna aay kalsooni ku qabeen waxaa Lamaanaha boqortooyada tuhunkoodu ku wajahnaa gabadha adeegtada ah maadaama aay Cusmaan u haysteen nin aamin ah ,waxaana ugu horreyn Cusmaan uu masabitay fartana ku fiiqay adeegtada guriga Boqortooyada,hasayeeshe booliska sweden qaybta farsamada ayaa caddeeydsay in Cusmaan uu yahay eedeeysanaha dahabka xaday ,arintaas oo noqotay mid ka daadagi weeydey qoyska reer Boqor.

Cusmaan markii uu dahabka xaday kaddibna uu ogaaday in la baadigoobayo wuu dhuuntay waxaana soo raadiyey Tord Magnusson wuxuuna 24tii May kula kulmay joobsanta Tareenada ee magalada Stockholm waxaana Cusmaan markii uu arkay Tord Magnuson uu bilaabay in uu inta foorarsado labada lugood qabsado isagoo ka codsaday in uu ralli ka ahaado gafkii uu galayna uu ka cafiyo ,hasayeeshe Cusmaan waxba fara kuma hayn oo dahabkii uu xaday mar hore buu xaraashay wuxuuna dahabkaas oo qiimihiisu ahaa 850.000 oo karoon ..uu siistay 9000 karoo oo keli ah. Wuxuuna lacagtaas ku gatay maandooriyaha looyaqaan Maruwaanaha.

Maxkamadda horteeda waxaa Cusmaan ku faahfaahiyey sidii uu dahabka u xaday wuxuuna sheegay in u ugu horreynQolka jiifka boqoradda u galay si uu sigaar uga raadsado kaddibna wuxuu arkay fure meel ku jira iyo khasnad xiran ,furihii ayuu inta soo qaatay khasnaddii ku furay ,markaa kaddibna wuxuu sheegay in uu arkay dahab damac galiyey kaddibna uu goáan ku gaaray in uu bililiqaysto dahabkaas..

Tord Magsnuson oo ah ninkii Cusmaan iyo reer Boqor isbaray wuxuu maxkamadda ka codsaday maxkamaddiina aay aakhirkii ka yeeshay in aan Cusmaan xabbiska loo taxaabin

Haddaba soo arintu uma eekaan:Nin abeeso koriyoow adigaa u aayin

Source: Somaliweyn

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jun 25 2012. Filed under Arrimaha Bulashada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

7 Comments for “Wiil Somali oo Qasriga Boqortooyada Sweden Dahab Qaali ah ka xaday.”

  1. ABDINUR A. FARAH

    QABSIN TUUGO QATAN baa la yiri, waa nasiib darro in Cusmaan nimcadii Ilaahay siiyey ku qooqay dabadeedna isagoo mooryaannimadii ku soo baxday oo ceebaysan bannaanka qasrigii reer GUSTAF looga xooray. Wuxuuse bar madow oo aan ka harin ku reebay magaca Soomaali oo laga horeyn doono shaqooyinka tixgelinta leh iyo in dib dambe loo aammino!!!

  2. Axmed Moxamed Axmed

    Soomaalidu badankeed waa waraabe, waraabana rabbaayad ma galo. Dhacdadaan waxay i xusuusinaysaa nin ganacsade reer Muqdisho ahaa oo soo koriyay wiil reer Puntland ahaa oo sannadkii 1990kii samsanite ku cabbaystay dhamman dollarkii khasnadda ku jiray, ulana baxsaday meel aan la garanaynin,taasoo sababtay in uu ganacsadahii soo koriyay u geeriyoodo dhiigkac ka dhashay falkaas lama filaan ku noqday.

  3. Waa arin laga xumaado oo Somali ceeb u keeneyso iyo sumcad xumo, waxaase kasii daran ninka dhiig karka u dhintay kani maba dhimanee

  4. Waa wax aad looga naxo, laakiin ma aha markii u horaysay oo waxaanoo kale dhacaan, Waxaa magaalda Taxes, US, ka dhacday wiil ka yimid Magaalada Muqdisho in aad ay u aamineen dad aad u dhaqaale badan kadibna ay kamid dhigeen ehelkooda oo kale markaasna oo Ka Fuulay Gabdhihii yar yaraa, kana xaday gurigii dhaqaale, iyo alaab farabadan asagoo soo kaxaystay dad fara badan oo saaxiib la ahaa.
    Marka hadaan nahay reer Koon fureed dhaqanka xun waa noo caado.

  5. oooooooooooh no waa ceeb weynlkn ninkan axmad la yirah isku xishoo somali oo shan eda ha saari somali hadee waraabe tahay adiga neh waa tahay warabaha,,,,, lkn wiilkan nasiibkisa hal bacad lagu lisay ka dhigay aba ugu daran wax walbo uga tag dheh

  6. Aniga la yaabi maayo wiilka waayo, waxaa laga yaabaa in tuugo lagu soo koriyey isaga iyo aabihiiba marka waa nin sumaysan oo markii horeba bililiqo, isbaaro, burcadbadeednomo oo waliba mukulaal madoownimo ku dhashay waaye wiilka marka hala yaabin. Waliba waxaad ogaataan haddii aannahay reer koofureed tuugada saqajaanimada ah caado ayaan u leenahay.

  7. Kkkkkk walhi wiilkan caadi ma ahan lkn sheydaan ayaa ka awood badshay xoolaha la sheegayane maba ahan wax la dhaafi karo sababto eh waa okisyoon camal marka okisyonkan yoow ku dhaafin waa jirtaa soma ahan kkkkk marka cidda rer boqor waxaas waxba uma arkaano asagane waa anfacee marka ii bashaal cismaan ku qabatay iyo qadar alle waa la qataa

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...