Nin Soomaaliyeed oo xaaskiisa si xun u dilay oo lagu xukumay 25 sano.

Zakariye
Zakariye Maxamed oo 29 jir ah ayaa maanta Maxkamad Dalka Ingriiska ku xukuntay 25 sano oo Xarig ah oo u Dhiganata (xabsi daa’im) ka dib markii uu qirtay inuu gacantiisa ku dilay Suxufiyad Amina Adam oo 32 jir ah iyagoo jooga guri ay wada deggenaayeen oo ku yaal xaafadda Walworth ee Koonfurta Magaalada London.
Aamina Adam ayaa ka howgeli jirtay Telafishinka Aljaziira, iyadoo dilkaan oo dhacay 6dii November e Sannadkii hore ee 2011, dilkan waxaa ka horreeyay labo mar oo Zakariye uu garaacay marxuumaddaan , Bishii April ee 2011 ayuu Zakariye caloosha ka garaacay ka dibna baxsaday, hase yeeshee waxaa la soo qabtay bishii July ee isla sannadkaas iyadoo markaas xabsiga la dhigay ka dibna lagu xukumay inuu iskaa wax u qabso ku shaqeeyo, dhaqdhaqaaqiisana lala socdo.

Amina Adan
Iyadoo xaaladdu halkaas marayso ayay Zakariye iyo Amina heshiiyeen ilaa habeen habeennada ka mid ah ay is af dhaafeen ka dibna uu Amina gurigeeda ku dilay isagoo adeegsanayay mindiyo iyo jajabka muraayad ka mid ahayd muraayadihii guriga.
Markii uu boolisku guriga soo gaaray ayuu Zakariye booliskiina ugu hanjabay inuu iyagana dilayo, halkaasoo ay isticmaaleen qoriga loo yaqaan ‘Taser’ ee dadka lagu suuxiyo Kadibna Saas lagu Qabtay Gacan ku dhiigle Zakirya Maxamed.
Zakariye oo dalkaan Ingiriiska yimid sannadkii 2002, isagoo wata Baasaboor Holland oo macmal ah Ama Fiijir ah taasoo sababtay in sharciga loo diido ilaa markii danbe 2007 loo siiyay si ban’aadamnimo ah.
Marxuumadda ayaa iyadu ka shaqayn jirtay Qaybta shaqaalaha ee Telefishinka caalamiga ah ee Al-Jazeera, xaruntiisa London. Ugu Danbayntii Amina waxay ka timid degaannada Soomalida ee dalka Kenya, halkaas ayayna ku barbaartay ka hor inta aysan dalkaan Ingiriiska u soo wareegin.
SHAAM abdi
shaamabdi977@msn.com

Saygaada korkaaga ha ugu ixsaan falin, kana carar marka ugu horraysa ee uu kuu gacan qaado,hana ka sugin inta uu dhaawac weyn kuu gaysto ama uu qurta kaa jaro sida marxuumadda kor ku xusan.
Si degdeg ah ula xiriir Booliska, kuna wargeli qoyskaa. sidaad naftaa u badbaadin lahayd adeey ku jirtaa.
WAA ARIN AAD U NAXDIN BADAM INAA LI LAAH WA INAA ILAAHI RAAJUXUUN, ALLAHA U NAXARIISTO, ALLOW HANAGA DHIGIN KUWII DHIIG GALA, AAMIIN.
in laxiro maaheyn in la toogto ayey aheed waayoo hadii laxiro midkastaa dumarka inta dilo ayuu is dhahayaa waa lagu xirayaa laakiin hadii uu ogyahay in la dilaayo maba dili laheyn runtii saa ayaa aniga aragti ahaanteyda ila haboon waad mahad santihiin