CED-Som
|

Afgooye oo mar kale lagu soo rogay bandow habeenkii ah


Taliyaha ciidammada Booliska degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Dhamme Ibraahim Diini Isaaq  ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmadaasi tan iyo markii ay u gacan gashay ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, wuxuuna Taliyuhu si gaar h uga hadlay arrimaha nabadgelyada degmada Afgooye.

“Degmada Afgooye waxaan ku soo rognay bandow habeenkii ah oo ku eg xilliga salaadda subax 06:00 AM, dadka degmada waxaan u sheegeynaa inay sidii markii hore ee lagu yaqiinay ay u qaataan” ayuu yiri Taliye Dhamme Ibraahim Diini Isaaq oo sheegay in xilliga bandowga ah magaalada Degmada Afgooye ay ammaanka sugi doonaan ciidamada nabadgelyada Dowladda KMG ah.

Waxa uu sheegay in dadka degmada Afgooye ay yihiin dad nabadeed, balse waxa uu tilmaamay inay qas iyo fowdo ka wadaan kooxihii laga adkaaday ee Shabaab iyo Al-Qaacida oo uu sheegay in ciidamada Dowladda ay marinayaan abaalka ay mudan yihiin.

Dhinaca kale Taliye Dhamme Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in xaaladda degmada Afgooye inteeda badan ay wanaagsan tahay, kaddib markii sida uu sheegay howlgallo habeen iyo maalin ah ay ka sameeyeen ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, isla markaana ay ku soo qabqabteen dhallinyaro ururka Al-Shabaab ka tirsan, qaarkoodna isa soo dhiibay.

Taliyaha oo ka hadlayay Bandoow lagu soo rogay degmadaasi ayaa sheegay in haatan degmadaasi laga dareemayo isbeddel dhinaca Nabadda ah tan iyo markii degmadaasi ay masuuliyiinta dawladda ay ku soo rogeen Nabdoow isla markaasna ay si rasmi ahaan ah uga dhaqan gashay xilliga habeenkii ah taas oo in muddo ah, Wuxuuna sidoo kale taliyuhu sheegay  in ciidammada qalabka sida ay isku ballaariyeen guud ahaan deegaanno hor leh oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye.ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Taliyaha saldhiga ciidaanka Booliiska ee degmada Afgooye dhamme Ibraahim Diini Isaaq ayaa sidoo kale sheegay in uu dhaqan galay Bandow xilliga habeennkii ah lagu soo rogay degmadaasi.

“ Bandowgan aanu ku soo rognay degmadda afgooye xiliyadda habiinkii ah waxaa inaga codsaday waxaa odayaasha degmada Afgooye, si loo xaqiijiyo ammaanka degmada wuxuuna socdaa habeenkii Sadexaad isagoo billaabanaya 06:15 pm soconayana ilaa 05:15 am” ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska ee degmadda afgooye dhamme Diini.

Taliyaha ayaa waxaa uu intaa ku daray in ciidamada qalabka sida ay isku fidiyay dhul aad u ballaaran oo ku xeeran degmada Afgooye taasi oo keentay in degmadaasi ay noqoto mid ka caaggan Kooxdda Al-shabaab iyo argagixiso.guud ahaan.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jun 24 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...