CED-Som
|

Maxaa ka cusub horyaalka Soomaalida Jidda?!!


Tartanka horyaalka kubada cagta Soomaalida ee magaalada Jiddah sanadkan wuu ka xiiso badan yahay sanadihii hore marka loo eego tirada daawadayaasha oo aad usoo kordheysa.  Cayaarihii ugu dambeeyay tartankan ayay kooxuhu isu arkeen sidan: Sharbatle(AJAX)  iyo Baanow Star – Blue Stars iyo Dekedaha  – Muqdisho iyo Goley – Janaale  iyo Midnimo .

Hadii aan ku horeyno cayaartii dhex martay kooxaha Sharbatle (AJAX)  iyo Baanow Stars  taas oo ahayd ciyaar  muhiimad gaar ah u leh labada kooxood  sababtoo ah kooxdii laga badiya waxey rajo aan fiicneyn ka yeelaneysaa usoo bixitaanka wareega sideedaad .

Bilowga ciyaarta labada kooxood waxey kusoo bandhigeen ciyaar aad iyo aad u adag oo dadweynihii daawashadeeda ka soo qeybgaley ay aad ugu riyaaqeen , Kooxda Sharbatle(AJAX)   ayaa waxey la soo galeen dar dar aan horey looga baran waxaana u suurto gashey inay 3 gool oo darandoori ah ka dhaliyaan kooxdii ka soo horjeeday ee Baanow star goolasha waxaa u kala dhaliyey ciyaaryahana kala ah Kulmiye  oo No. 10 u sitey iyo Riixaaye oo No. 11 u sitey iyo Ciyaaryahankii No. 40 u sitey kooxda qeybtii hore waxey ku dhamaatey 3 : 0 oo ay Naadiga Sharbatle(AJAX)   ku hogaaminaayeen .

Markii leysugu soo laabtey qeybta labaad ee  ciyaarta ayey labada kooxoodba waxba isu reeban

Iyadoo aad moodey inay kooxda Baanow stars ay wax ka bedeleen  lana soo galeen markooda dardar cusub kaasoo y  suurto galyey inay 2 gool oo darandoori ah ay dhaliyaan kuna dhowaadeen inay barbareeyaan . ciyaarta oo daqiiqado kooban ka harsanaa ayaa Tababare Maxamed xasan wax ka bedelay Kooxdiisa Sharbatle (AJAX) waxaana  bedel kusoo galey ciyaaryahan C/qaadir Dhego Baceyr oo No.19 watey wuxuuna wax ka bedelay hab ciyaareedka kooxda Sharbatle(AJAX)  waxaana u suurto gashey inay goolkii 4aad uu u saxiixo kooxda Sharbatle(AJAX)   waxaana ay kusoo gabgabowdey 4 : 2 oo guusha ku raacdey kooxda Sharbatle(AJAX)  , tababare Maxamed Xasan iyo Guddoomiye C/naasir oo aad Moodo inay culeyska saarayaan sidii ay horumar u gaarsiin lahaayeen Kooxda Xidigaha Sharbatle ( AJAX)

Ciyaaryahanada sida gaarka ah ugu dhex muuqdey Kooxda Sharbatle(AJAX)  waxaa ka mid ahaa Ciyaaryahan Xoosh, Bishaar, C/qaadir Maxamed, iyo Gool haye Saalim oo wax badan ka badbaadiye kooxdiisa .

Ciyaar tii labaad ayaa iyana waxey dhexmartey kooxaha Bule Stars  iyo Dekedaha  runtii labada kooxoodba waxey soo bandhigeen ciyaar qurux badan nasiibka waa iska halkiisa waxaa 2 : 0 guusha ku raacdey naadiga Bule Stars  .

Ciyaartii sadexaad ayaa kuwada kulmey Kooxaha Goley  iyo Muqdisho waxaana ay isla mari waayeen 1 : 1 oo barbardhac ayey ku dhamaatey .

Ciyaartii afaraad oo ay wada kulmaayeen Kooxaha Janaale iyo Midnimo waxaanaan soo xaadirin kooxda Midnimo oo dhibcihii waxaa si fudud ku qaatey kooxda Janaale .

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jun 23 2012. Filed under Cayaaraha, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...