Jarmalka oo Semi Final yimid, xalayna ka adkaaday Greece

Xulka Jarmalka ayaa u soo baxay Wareega Sema Finalka Koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012, kadib markii ciyaartii xalay ee wareega Sideeda ay 4-2 uga badiyeen Xulka Greece.
Ciyaartoyda Jarmalka ayaa aad uga gacan sareeyay ciyaartoyda Greece, inkastoo goolka ay ku hor mareen Jarmalka, hadana la bar bareeyay, waxaase muuqanayay awooda ciyaaryahanada Jarmalka u lahaayeen in goolal kale dhaliyaan.
Afrata gool ayaa waxay ka kala yimaado Kabtankooda Philp Lahm oo qeybtii hore gool iyo waxba hogaanka ugu dhiibay, balse qeybtii labaad daqiiqadii 55aad la bar bareeyay, 14-daqiiqo gudahood ayaa Jarmalka saddex gool xiriir ah ka dhaliyay Greece, waxaana goolasha oo ahaa kuwo quurx badan u kala dhaliyay Khedira, Miroslav Klose iyo M. Reus.
Jarmalka ayaa mar kale muujiyay awooda uu u leeyahay inuu Koobka Qaramada Yurub qaado, waxaana natiijada xalay uu ku gaaray guusha ka dhigtay mid uu rikoor cusub oo dhinaca guulasha u dhigay Tartamada rasmiga, markii 15-kulan oo isku xiga badiyay.
Ciyaarta Sema Finalka ayaa la filayaa inuu ku soo aado labada xul ee habeen dambe wada ciyaaraya Italy iyo England cidii soo baxda.
Sidoo kale Xulka Portugal oo habeen hore ka soo badisay xulka Czech Republic ayaa iyadana ciyaarta Sema Finalka sugeysa labada xul ee caawa ciyaaraya Spain iyo France kooxdii badisa.
Email: warfaafiye@gmail.com
