CED-Som
|

Gen. Saney: “Guulo ayaan ka gaarnay howlgalka Sh/dhexe”


Ciidamada Dowladda KMG ah oo shalay weerar ku qaaday maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo fariisinkeedu ahaa wadada dhinaca xeebta ku taala ee isku xirta Muqdisho iyo ilaa gobolada Sh/dhexe, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal aan waxba la isula harin oo maleeshiyadii Shabaabka lagu quusiyay isla markaana qasaare xoogan lagu gaarsiiyay.

Waxa uu sheegay Taliye Gen. Saney in dhinacooda ay weerarka ku qaadeen duleedka magaalada Muqdisho wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Warsheekh, wuxuuna sheegay in dagaalkaasi aanay kala kulmin maleeshiyadii ururka Al-Shabaab iska caabin sidaas u xoogan, isago tilmaamay inay isaga carareen meelihii ay ku dhuumanayeen.

“Guulo ayaan ka gaarnay howlgalka aan Sh/dhexe ka wadno” ayuu yiri Gen. Maxamed Maxamuud Saney oo intaasi raaciyay in ciidamada Dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM ay guulo ka soo hooyeen weerarkaasi oo sida uu sheegay ahaa mid qorsheysan.

Taliyaha ciidamada Dowladda ee aagga Bari Gen. Saney ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 5-maleeshiyo oo Shabaabka ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen laba horjooge midkoodna amiir ka ahaa degaanka Ceel Macaan, waxaana halkaasi cagahooda uga baxsaday ilaa lix ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay Taliye Saney inay la wareegeen dhowr kontrol oo Shabaabka fariisin u ahayd oo ku kala yaala Galgalato, CeelCadde, xerada Warshadda Haabaay ee uu lahaa Dr. Xuseen Cali Axmed iyo Dekedda Ceelmacaan, isla markaana ay la wareegeen hub iyo qoryo ay halkaasi uga carareen.

Dhinaca kale Gen. Maxamed Maxamuud Saney ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha ciidamada Dowladda KMG ah inuu yahay sidii ay maalmaha soo socda ula wareegi lahaayeen inta badan degmooyinka gobolka Sh/dhexe, wuxuuna tilmaamay in howlgalkaan midka ku xiga ay gacanta ku dhigayaan degmada Balcad oo ah goob istiraatiiji u ah kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida.

“Anaga wax badan naguma qaadaneyso inaan dhaqsi kula wareegno guud ahaan gobolka Sh/dhexe, balse waxaan u tureynaa shacabka ay gumeysiga ku hayaan kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida oo aan halganka ugu jirno inaan ka dul qaadno” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Dowladda ee aagga Bari.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jun 23 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...