Kooxda Heegan oo guuldaro ku riday Banadir Telcom “Sawiro”.
Waxaa si habsami leh garoonka Jaamacaddaha ee magaalada Muqdisho ugu socda Horyaalka 37-aad ee Kubadda Cagta Somalia, waxaana ciyaartii galabta isku arkay kooxaha Heegan VS Banadir Telecom.
Daawashada ciyaartan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne fara badan oo xiiseynayay kulanka Labadan Kooxood, waxayna labada Koox ay soo bandhigeen ciyaar xiiso gelisay daawadayaasha.
Ciyaaryahanka Kooxda Heegan ee lagu magacaabo Qaasim Cali Mursal ayaa suura geliyay qeybtii hore ee ciyaarta goolkii ugu horeeyay ee kulankan, kaasoo ka farxiyay tageerayasha naadig Heegan, hase ahaatee isla wareegii koowaad waxaa ka diiday goolka Heegan ay keensatay Ciyaaryahanka Banadir Telecom ee lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdirahman Cumar oo bareejeeyay.
Qeybtii 2-aad markii la isku soo laabtay oo ciyaarta dardar ku bilaabatay, waxaana Naadiga Banaadir Telecom kaarka cas laga siiyay laacibka ay ku dharato Daadir Aamin Cali oo niyad jab ay ka qaadeen saaxiibadiisa, daqiiqado kadib waxaaa ciyaarta iska maamulaneysay Kooxda Heegan oo dhalisay labo gool oo laacibiintoda kala ah Axmad Cusmaan Cabdulle iyo Cusmaan Yuusuf Cusmaan u kala saxiixay, ciyaartana ka dhigay 3-1, sidaasina ay ku soo gabagabowdo.
2-dan Kooxood waxay ka tirsan yihiin Kooxaha ugu adag ee Horyaalka kasoo qeybgalay, iyadoo mid walba ay guluf ugu jirtay iney ka badiso midba mida kale, balse Heegan ayaa awood u sheegatay.
Sida Kooxaha u kala horeeyaan:.
Elman 4 Dhibcood
Heegan 4 Dhibcood
Dekaddaha 4 Dhibcood
Sahafi 2 Dhibcood
LLPP 2 Dhibcood
Horseed 2 Dhibcood







Email: warfaafiye@gmail.com
