Meherka Khudba Sirada oo dib u soo noolaanayo lix sano kadib.
Tan iyo markii Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ay ka bilowdeen Kooxaha Islaamiyiinta waxaa la mamnuucay Meherka sirta ah ee loo yaqaan Qudbo sirada, guurkaasi oo waalidka laga dhuunto.
Markii Maxkamaddihii ay qabteen inta badan Koonfurta Soomaaliya 2006-kii waxaa yaraaday guurka qarsoodiga ah oo ay mamnuuceen, isla markaana wadaadkii ama qofkii ku dhaqaaqa ee lagu arko arintaasi kooxaha Islaamiyiinta ay ciqaabi jireen ayaa iminka waxaa meesha ka baxeysa cabsidii laga qabay kooxahaasi.
Muqdisho iyo deegaanada ku teedsan waxaa laga dareemayaa dib u soo laabasho dhaqankii iyo waxyaabihii ay horay u mamnuuceen kooxahaasi oo looga awood sheegtay Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow.
Mohamed Ahmed iyo Khadro Mohamed waa Lamaane ku nool magaalada Muqdisho, waxay sheegeen mudo badan ay sugayeen sidii ay u noqon lahaayeen Marwo iyo Ninkooda, balse ay damacsan yihiin iney ku dhaqaaqaan sidii ay u sameyn lahaayeen meherka sirta ah.
“Ma sugi karo inta Wanlaweyn laga xoreynayo, waa la adkeeyay guurka sirta ah intii ay meehsa haystaan ragaas, laakiin aniga iyo Saaxiibtey waxan noqoneynaa labada qof ugu horeysa ee gaara halkaasi” ayuu yiri Maxamed Ahmed oo la hadlayay Warbaahinta ku baxda afka Ingiriiska, wuxuu sii raaciyay “Waa riyada jaceylkeena rasmiga ee aan ku xalin karno” .
Hada Muqdisho wax walbo oo ay kasoo horjeedeen kooxda Al-Shabaab ee ka tirsan Al-Qaacida caadi ayey ka yihiin, waxaa bilowday isdhexgalka bulshada iyo ciyaarihii dhalinyarada ka xayirnaa iyo wax kasta oo horay ay u mamnuuceen.
Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxay Muqdisho u jirtaa 90 Km, waa magaalada Lamaanayaasha ka baxsada waalidkooda isku soo mehersan jiray, laakiin Shabaab ayaa weli maamusha, ciidamada Dowladdana wey ku sii jeedaan si ay u xoreeyaan.
Warfaafiye@gmail.com
Email: warfaafiye@gmail.com

Lamanaha kor ku xusan wax khudbad sireed ah meesha kuma haayaan maadaamaa ay qalabka warbaahinta la hadleen, soona bandhigeen damacooda guur. arrintoodana waa iska majaajillo ama baashaan dhallinyaro.
Ar kuwaan maxey ahayen weyba is fashileyn hooyo iyo abe hada websiteka ka aqrinayan baxarweyn.com
asc waan salamayaa bahda warfaafiye maxaa isku xiray xureeyn iyo maher war gabdha waalidkeeda kadoono maxa dhacay taasi maa qiil lagadhigaa qudbo siro waa laga fican yahay gabadhii dhaqan rabta qudbo siro ha isku galin hana sameeyn waalidkaada waxaan ogeen waayo hadhoow waad kashalayneesaa banaanka inta lagugu uureeyo ayaa meel cidla lagaaga tagaa lakin walidkaag hadeey kubixiyaan hadhow furin yimado sharaf ayaad leedahay gurigiina ayaad kusoo noqon kartaa aniga ma eedeynayao inta badan raga lakin qaar damiir laawayaal ah ayaa jiro gabdha inta kagasogodo reerkeeda oo beri banaan cidla kaga tagayaa war somaliyey maxaa isu xiray xureen iyo guur hadeey gabdha kujeceshahay waalidka kuudiido markaad dad qaali ah muslim ah ama culimadeena ayaad ula tageysaa arintaada ayadan sidaa yaa lagusiinkaraa balse waalidka ma aadan aadin in laguu diidayo iyo in lagusiinayo taa waxba kama ogid walaalayaal jaceelka dhabta ah sas ma ahan in waalidka laga nixiyo dhaqankaa waalaga fiicanyahay asc
Magaciiga waxaa la dhahaa deeqoow xaaji daryeel dumar Qudba siRo Yaa ka fiican caadi maaha