CED-Som
|

Golaha Amniga Qaranka oo Maanta ku Shiray Madaxtooyada

Xubnaha ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta ku shiray xarunta madaxtooyada kuwaas oo ka hadlayay marxada arimaha amniga ee uu dalka ku sugan yahay. Kal-fadhigan oo uu shirgudoominayay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa wuxu ka warbixin safarkii uu dhawaan ku gaaray goobihii laga xoreeyay argagixisada oo ka tirsan Afgooye.

Intii uu ku guda jiray booqashada, Madaxweyne Shariif wuxuu la kulmay odayaasha deegaanka iyo waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee degmada Afgooye. Wuxuu kaloo madaxweynaha la kulmay madax ka tirsan dowladda kuwaas oo aad uga mahadceliyay dadaalka ay dowladda ugu jirto sifeynta kooxaha argagixisada ee dhuumaaleysiga ku jooga dalka.

Madaxweynaha wuxuu amaan usoo jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka oo muujiyay karti iyo geesinimo. Sidoo kale, ciidanka Midowga Afrika ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo taageero badan u fidiyay shacabka Soomaaliyeed.

Golaha ayaa ka hadalay arimo dhowr ah, oo ay ka mid tahay xaqiijinta amniga goobihii muhiimka ahaa ee dhawaan la xoreeyay, sida degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda. Madaxweyne Shariif ayaa carabka ku dhuftay ahmiyada ay leedahay in la balaariyo howlgalada milatari ee looga hortagayo kooxaha argagixisada.

Golaha ayaa wuxuu qaatay sameynta sadex gudi oo wax ka qaban doono arimaha amniga, maamulka iyo adeegga bulshada, gaar ahaan, meelaha la xoreyn doono dhawaanahan. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la taageero shacabka deegaanka si loo xaqiijiyo guul kama danbeys ah, argagixisadana loo jabiyo.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jun 15 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...