ORAAHDII JARMALKA: “Waa inaan kula noolaano dunida nabad iyo!!”
Nabadda waa midda kaliya ee aanay jireyn nolosha la’aanteed, taasna waxaa dareemi kara dadka sida Soomaalida mudada dheer ku raagay nabad la’aanta.
Dadka Soomaalidu waxay soo mareen 22-sanadood oo xaalad fowdo iyo qas ah, dalkana ay ka dhaceen dhibaatooyin dagaalo,dowlad la’aan iyo is jiid jiid aad u fara badan,taasoo nabaddii daaqada ka saartay.
Isku duba rid iyo abaabul xoog leh ayay u baahan tahay in dib loo soo celiyo nabaddii laalantay, taasna waxay ku imaan kartaa dadka oo fahma qiimaha nabaddu leedahay.
Xilliga maanta la joogo Soomaaliya waxaa u ifay Nidaam iyo Nabad, waxayna u baahan tahay in laga faa’iideysto iftiinka soo budaacay.
Haddaba Soomaalida si ay u hantaan mirihii shirkii Istanbul iyo dadaalada socda, hadda waxay u baahan tahay inay nabad hesho oo nabad kala hesho taana waxaad moodaa inay jiraan caqabado badan oo hortaagan.
Cidda caqabadahan dadka iyo dalka ka wareejin karta waa shacabka oo looga fadhiyo inuu fahmo macnaha umadnimo iyo qiimaha nabadda, haddii kale xaaladu waxay noqon doontaa maalin walba in koox hubeysani qof muhiim ah meel ku gowracdo ama maalin walba meel ka mida dalka dagaal macno darro ah uu ka dilaaco, sidaasna ay ku sii socoto tirada dadka Soomaalida ee maalin walba micno darro u dhimaneysa.
Dib ha loo raaco oraahda ah: NABADAA NAAS LA NUUGO LEH!! Ee noqotay oraahda ugu caansan maanta Soomaaliya meel walboo aad joogto, laakiin u baahan in ficil loo bedelo oo ah in nabadda ficil lagu dhaliyo ee aan afka laga sheeg sheegin, iyadoo dhinaca kalena Qoryaha kor loo heysto lana diidan yahay in la dhigo.
Nabad aan dhalino ama ha naloo dhaliyo, labada jid mid uun inaan raacno ayay u baahan tahay xaalada maanta taaganna Soomaaliya iyo nabaddu inay mar kale dib u soo noolaato.
Cadowga nabadda inay colaada tahay cid walba waa ogtahay, hadana maanta Soomaalidu waxay u eg tahay inay fahmeen qiimaha nabadda kana soo horjeestay cadowgii nabadda ee colaada ahaa, waana laba shey oo aan isku meel gelin nabad iyo colaad.
Aan doorano nabad oo aan ka fogaano colaada haddii aan nolol rabno, haddii kale ha leysku bas beelo. Maalmaha taariikhda dunida ma yara dhibaatada colaada, wixii laga kasbaday ee xumaan ahaa, laakiin dadyowga dunidu waxay inta badan garteen macnaha dhabta ah ee nabadda, kolkaasay ka fogaadeen colaadii waana mida maanta dalal badan sida Jarmalka, Japan, Raashiya, Faransiiska iyo kuwo gaarsiisay horumar lagu dayan karo, waayo waxay ogaadeen dhibka iyo xanuunka dagaalka iyo faa’iido la’aanta kibirka iyo isla weynida.
Maanta haddii colaad faa’iido leedahay Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka kama garaabeen dhibkii Jarmalku u geysteen Yahuuda, mana dalban lahayn in dadka Jarmalku waajib isaga dhigaan sidii ay isaga dhex saari lahaayeen kooxaha weli qaba fikirka Yahuud nacaybka.
“Waa inaan kula noolaano dalalka deriskeena ah iyo kuwa dunida nabad iyo colaad la’aan” ayuu ku celceliyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jarmalka Shuroodhar, iyadoo dhanka kalena Japaanka ay ka muuqato inuu ka jeestay colaad markii uu ogaaday dadkiisa wixii dhib ahaa ee ay kala kulmeen colaadii ay abuureen madaxdii hore ee Japaanka, maantana waa la garan karaa heerka Japaanka dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan uu dunida ka taagan yahay, halka Afrika qarnigan ugu dambeeya ay noqotay bar colaadeed iyadoo dunidu horay uga sii guureyso colaada.
Wargeyska Xiddigta Panorama
Email: warfaafiye@gmail.com
