Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay.

Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashaan oo ka mid ah abwaanadda Soomaaliyeed ee xagga Heesaha Banaadiriga ayaa ka mid ahaa dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Golaha Murtida iyo madadaalada.

Axmadey Cabdi Gaashaan ayaa soo gaaray gubasho qeybo ka mid ah jirkiisa gaar ahaan qeybta sare ee madaxa ayaa hada xaaladiisa ay tahay mid kasoo wanaagsanaaneyso dhaawacii soo gaaray.

Sidoo kale Fannaanad lagu magacaabo Xabiibo Xuseen Baajuuni ayaa ka mid aheyd koox fannaaniin ah oo halkaasi ku dhaawacantay.

Koox Wariyeyaal ah oo gaaraya 10 ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana 5 ka mid ah xaaladooda ay tahay mid liidata.

Wariyeyaasha ku dhaawacmay ayaa waxay kala yihiin magacyadooda Axmed Cali Kaahiye, Deeqo Maxamed Axmed, Xamdi Muxumad Xasan, Siciid Warsame Shuuriyaako, Maxamed Shariif , Ayaan Cabdulle Guure, Mikaa’iil Xasan Cali, C/qaadir Maxamed Xasan iyo Xasan Saalax (Xasan Cadde) dhamaantood waxay ka howlgalaan Idaacadaha Muqdisho iyo Tv-yada maxaliga ah.

panoramanewspaper@gmail.com

Comments are closed.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.